Muqdisho:-Wasiir Beyle Oo Sheegay Dowladda Inaysan Awood U Lahayn Ka Hor Taga Canshuurta Ay qaadaan Al-Shabaab

0
Sunday September 01, 2019 - 10:02:42 in by salman abdi
  • Visits: 323
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muqdisho:-Wasiir Beyle Oo Sheegay Dowladda Inaysan Awood U Lahayn Ka Hor Taga Canshuurta Ay qaadaan Al-Shabaab

    Wasiir Beyle Oo Sheegay Dowladda Inaysan Awood U Lahayn Ka Hor Taga Canshuurta Ay qaadaan Al-Shabaab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Beyle Oo Sheegay Dowladda Inaysan Awood U Lahayn Ka Hor Taga Canshuurta Ay qaadaan Al-Shabaab
Axad, September, 1, 2019- Wasiirka maaliyadda xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa xaqiijiyay waqtigan la joogo inaysan dowladda awood u laheyn ka hortaga canshuuraha ay qaadaan Al-Shabaab.

Wuxuu tilmaamay inay jiraan dedaallo lagu hagaajinayo dalka, balse ay wali caqabado taaganyihiin xilli uu u warramay wargeyska Washington Post .

"Waa xaalad cabsi ah," ayuu yiri Beyle isagoo ku sugan dalka Japan , wuxuuna ku daray " Ma hayno awood aan kula wajahano arrintaasi.. waana mid ka mid ah dhibaatooyinka ka jira waddankan."
"Dowladu ma lahan awood weyn oo ay ugaga hortago Al-Shabaab inay ganacsatada lacago canshuur ah ka qaataan, dadka u ururiya canshuurta Al-Shabaabna magaalada ayay si xor ah isaga dhex maraan.”ayuu yiri Wasiir Beyle oo ka hadlayay canshuuraha ay ganacsatada Muqdisho siiyaan ururka Al-Shabaab.


Wasiir Beyle wuxuu ka hadlay sababta ay dowladu wax ugaga qaban la’adahay ururka Al-Shabaab.

"Mashaakilku waa hal arrin oo kaliya,Al-Shabaab waa Soomaali aniga oo kale ama dadka oo dhan,waan isku muuqaal eg nahay,meel walbana waa joogaan oo way nagu dhex jiraan.”ayuu yiri.

Warbixinta dheer oo uu baahiyay wargeyska Washington Post ayaa sidoo kale lagu sheegay ururka Al-Shabaab inuu ku helo dhaqaalaha si toos ah canshuuro uga qaadaan ganacsatada dalka, iyadoo lacagahaas qaabab kala duwan ay ku gaarto. Warbxixinta ayaa inta ku dartay in qaababka ay Al-Shabaab lacaga ku gaarto ay ka mid tahay mid toos ah,bangiyada,lacagaha taleefanada la isaga kala gudbiyo iyo xawaaladaha.

Maaliyiin doollar ayaa la aaminsanyahay ganacsatada inay sannad walba qaab canshuur ah u siiyaan kooxda Al-Shabaab, taasina waxay keentay awoodda kooxda inay sii jirto, wallow dowladda oo taageero ka helaysa saaxibo dibadda ah ay weerarro ku qaadaan goobaha ay ku suganyihiin saraakiisha iyo dagaallamayaasha Al-Shabaab.