Magaalada Berbera Intee Ayey Ka Helaysaa Lacagta Midawga Yurub Bixinayo Ee Dawlada Soomaaliya Saxeexday

0
Sunday September 01, 2019 - 12:30:14 in by salman abdi
  • Visits: 403
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Magaalada Berbera Intee Ayey Ka Helaysaa Lacagta Midawga Yurub Bixinayo Ee Dawlada Soomaaliya Saxeexday

    Magaalada Berbera Intee Ayey Ka Helaysaa Lacagta Midawga Yurub Bixinayo Ee Dawlada Soomaaliya Saxeexday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Berbera Intee Ayey Ka Helaysaa Lacagta Midawga Yurub Bixinayo Ee Dawlada Soomaaliya Saxeexday

Dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa maanta midawga yurub la saxeexatay heshiis mashaariic horumarineed lagaga fulinayo caasimada soomaaliya ee Muqdisho iyo magaalada Berbera ee ka tirsan dawlada somaliland.

 

Wasiirka qorshaynta soomaaliya Jamaal Maxamed xasan iyo sarkaal ka socday midawga yurub oo lagu magacaabo Stefano Mansevini ayaa magaalada Muqdisho si wada jir ah ugu saxeexay heshiiskan iyada oo uu goob joog ka ahaa raysal wasaare Xasan Cali Khayre.

Wasiirka qorshaynta soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo faah faahin ka bixiyey heshiiskan ay la gaadheen midawga yurub ayaa soo bandhigay xadiga dhaqaalaha ah ee heshiiskani u qaybinayo Muqdisho iyo Berbera.Wasiir Jamaal oo ka hadlaya sida Muqdisho iyo Berbera loogu qaybinayo dhaqaalaha heshiiskan ayaa waxa uu yidhi "Mashruucani waa mid la doonayo in 15 milyan oo doolar loogu samaynayo wadooyin gobolka Banaadir ee Muqdisho, waana mashruuc hore u socday.”

Wasiir Jamaal oo hadalkiisa sii wata ayaa soo bandhigay xadiga Berberi ay ka helayso lacagtan midawga yurub bixinayo "Magaalada Berberana waxa loogu tala galay 7.5 Milyan oo doolar taas oo wax lagaga qaban doono arimaha dawlada hoose u baahan tahaysida hagaajinta jidadka, bulaacadaha iyo meelaha kale ee muhiimka ah, lacagtaas oo midawga yurub ku deeqay ayaanu saxeexaynaa.”