Hargaysa:-Wasiir Faratoon Oo Ka Hadlay Warar Sheegaya Inuu Is Casilayo

0
Sunday September 01, 2019 - 16:51:08 in by salman abdi
  • Visits: 399
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:-Wasiir Faratoon Oo Ka Hadlay Warar Sheegaya Inuu Is Casilayo

    Wasiir Faratoon Oo Ka Hadlay Warar Sheegaya Inuu Is Casilayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Faratoon Oo Ka Hadlay Warar Sheegaya Inuu Is Casilayo

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Md Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon ayaa sheegay in aanu iscasilayn, waxaanu beeniyay warar sheegaya in uu gudbiyay warqadda iscasilaadda.


Wargeyska Geeska Afrika ayaa wasiir Faratoon waydiiyay in ay jirto warqadda istaqaalada oo uu gudbiyay waxaanu sheegay in aanu iscasilin, islamarkaana aanu iscasilayn. Waxa uu been abuur ku tilmaamay wararka ku saabsan iscasilaaddiisa.



 

 

Wargeyska ayaa ku warramay in warar soo baxay sheegayeen in wasiirku arrimo gaar ah isu casilayo iyada oo ay jirto hadal hayn ku saabsan in madaxweyne Biixi samayn doono isku shaandhayn ay ku jirto in masuul kale loo dhiibo wasaaradda arrimaha dibadda.


Dhawaan ayay soo baxday in wasaaradda arrimaha dibadda uu maamulo wasiirka maaliyadda Dr Sacad Cali Shire iyada oo wasiir Faratoon dibadda ku maqan yahay inkasta oo ay joogeen masuuliyiinta kale ee wasaaraddu.