War Deg Deg Ah:-Qarax Hada Ka Dhacay Magalada Muqdisho Iyo Khasaraha Dhashay.

0
Monday September 02, 2019 - 13:32:45 in by salman abdi
  • Visits: 498
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:-Qarax Hada Ka Dhacay Magalada Muqdisho Iyo Khasaraha Dhashay.

    War Deg Deg Ah:-Qarax Hada Ka Dhacay Magalada Muqdisho Iyo Khasaraha Dhashay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah:-Qarax Hada Ka Dhacay Magalada Muqdisho Iyo Khasaraha Dhashay.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax ismiidaamin ah goor dhaw ka dhacay Bar-koontorool oo ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ku leeyihiin Ex-Koontorool Afgooye ee magaalada Muqdisho.

 

 

 

Qaraxan ayaa jugtiisa waxaa inta badan laga maqlay degmooyin ka tirsan Gobolkan Banaadir, waxaana la sheegay in uu ahaa Gaari NOH oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa,isla markaana ay saarnaayeen rag hubeysan.

 

 

Qaraxa ka hor ayaa goobjoogayaal waxaa ay sheegeen in Gaariga ay Ciidamada rasaas ku rideen,kadib markii laga shakiyay, sidaasina uu ku qarxay.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxan uu sababay geerida Qofkii Ismiidaamiyay, Askari ka tirsan ciidamada Booliska iyo mid ka mid ah raggii saarnaa gaariga oo saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska ay sheegeen in la toogtay halka mid kale oo la socday ay ciidamada ku raadjoogaan,kadib markii uu baxsaday.

Waxaa sidoo ay wararku sheegayaan in qaraxan uu sababay wax yeelo soo gaartay dad shacab ah,waxaana hakad galay isku socodka dadka iyo Gaadiidka ee Muqdisho iyo duleedkeeda,iyada oo laamaha Amniga Soomaaliya aysan weli qaraxaasi ka hadlin.