Congo:-Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Oo Balanqaad U Sameeyey Ciidamada Wadanka Congo

0
Tuesday September 03, 2019 - 10:32:41 in by salman abdi
  • Visits: 346
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Congo:-Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Oo Balanqaad U Sameeyey Ciidamada Wadanka Congo

    Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Oo Balanqaad U Sameeyey Ciidamada Wadanka Congo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Oo Balanqaad U Sameeyey Ciidamada Wadanka Congo Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa ballan qaaday inuu taageero joogto ah uu fidin doono ciidammada dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo si meesha looga saaro maleeshiyaadka dagaalka ka wado halkaas.

Xilli uu booqasho ku joogay magaalada Beni ee dalkaas, waxaa uu ka dhawaajiyay in loo baahan yahay in la ballaariyo gulufka ka dhanka ah kooxaha fallaagada.

Ciidammada nabad ilaalin ah oo ka socda Qaramada Midoobey oo gaarayo 16,000 ayaa joogaa dalkaas.


Howlgalka Qaramada Midoobey ee DRC waxaa sannad kasta waxaa ku baxaa qarash dhan $1bn oo doolar.


Guterres waxaa uu sidoo kale ka dhawaajiyay in ciidammada nabad ilaalinta Qaramada Midoobey ay si dhaw ula shaqeyn doonaan militariga iyo booliska Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo.


Xogahayaha guud ee Qaramada Midoobey ayaa sidoo kale booqday xarumaha caafimaadka ee lagu daweynayo bukaanada uu ku dhacay Ebola, waxaa uu ugu baaqay shacabka inay tegaan goobahaas si loo daweeyo intii ay is qarin lahaayeen si looga hortaggo faafidda cudurka.