Dawlada Kenya Oo Dalab Cusub Ka Soo Saartay Dacwadii Bada Ee U Dhaxaysay Soomaaliya

0
Wednesday September 04, 2019 - 13:10:57 in by salman abdi
  • Visits: 315
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Kenya Oo Dalab Cusub Ka Soo Saartay Dacwadii Bada Ee U Dhaxaysay Soomaaliya

    Dawlada Kenya Oo Dalab Cusub Ka Soo Saartay Dacwadii Bada Ee U Dhaxaysay Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Kenya Oo Dalab Cusub Ka Soo Saartay Dacwadii Bada Ee U Dhaxaysay Soomaaliya

Dawlada Kenya ayaa si rasmi ah u dalbatay in dib loogu dhigo wakhtiga loo balansanaa in la dhagaysto dacwada bada ee u dhaxaysa Soomaaliya oo ku beegan isniinta todobaadka soo socda.

Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa magaalada Nairobi ayaa qoray in dawlada Kenya ay doonayso in la hakiyo dhagaysiga dacwada bada ee u dhaxaysa Kenya.


Dawlada Kenya ayaa ku doodaysa inay qorshaynayso inay qorato qareeno cusub oo difaaca isla markaana ay u baahan tahay wakhti dheeraad ah oo ay ku soo xulan karto garyaqaanada ay u baahan tahay.


Wargeyska Daily Nation waxa uu sheegay inaanay dawlada Kenya iska xaadirin Karin maxkamada ICJ wakhtiga loo balanmay in la dhagaysto wajiga labaad ee dacwada u dhaxaysa soomaaliya maadaama ay haystaan duruufo kala duwan.


Dhinaca kale, warar diblomaasiyeed oo soo baxaya ayaa shegaya in dowladda Soomaaliya ay diiday in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda.


Dowladda Kenya ayaa dhawaan dalbatay in dhageysiga wajiga labaad ee dacwada Badda laga saaro Cabdiqawi Axmed Yuusuf oo ah shaqsi asalkiisu Soomaali yahay.


Soomaaliya waxay dooneysaa in cabbirka xadka badda si toos ah loola dherariyo xadka dhulka, halka Kenya ay dooneyso in la weeciyo.