Ku Simaha Madaxweynaha Somaliland Oo Maanta Daah Furay Barnaamijka Xiddidaada Xawaaraha Gaadiidka (Speed Governor) Oo Ay Soo Kordhisay Wasaaradda Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadku.

0
Thursday September 05, 2019 - 13:50:15 in by salman abdi
  • Visits: 420
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ku Simaha Madaxweynaha Somaliland Oo Maanta Daah Furay Barnaamijka Xiddidaada Xawaaraha Gaadiidka (Speed Governor) Oo Ay Soo Kordhisay Wasaaradda Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadku.

    Ku Simaha Madaxweynaha Somaliland Oo Maanta Daah Furay Barnaamijka Xiddidaada Xawaaraha Gaadiidka (Speed Governor) Oo Ay Soo Kordhisay Wasaaradda Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadku.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ku Simaha Madaxweynaha Somaliland Oo Maanta Daah Furay Barnaamijka Xiddidaada Xawaaraha Gaadiidka (Speed Governor) Oo Ay Soo Kordhisay Wasaaradda Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadku.


Hargeysa-05-09-2019-()-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ah ku simaha Madaxweynaha, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta daahfuray Barnaamij cusub oo ay dalka kusoo kordhisay Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Barnaamijkaasi oo lagu magacaabo Xaddidaada Xawaaraha Gaadiidka (Speed Governor) kaasi oo marka lagu xidho gaadiidka xaddidi doona xawaaraha sare kuna soo celin doona mid hoose.

Wasiirka Wasaaradda Giidka iyo Horumarinta Jidadka Cabdilaahi Abokor Cismaan ayaa sharaxaad ka bixiyey Barnaamijkan Xaddidaada Xawaaraha Gaadiidka oo uu sheegay inuu wax badan ka tari doono bad-baadada shilalka gaadiidka oo beryihii u danbeeyey sare u kacay, islamarkaana ay sababtay xawaaraha sare ee gaadiidku ku maraan waddooyinka, ka dib markii ay qiimayn ku sameeyeen asbaabaha keena shilalka ay ku dhintaan dadka faraha badan.

Wasiir Cabdilaahi Abokor Cismaan waxa uu gaadiidlayda u sheegay gaar ahaan kuwa rakaabka qaada inay muddo saddex bilood gudahood ah ay gaadiidkooda ku xidhaan qalabka Xaddidaada Xawaaraha Gaadiidka isla mar ahaantaana uu shuruud uga dhigay in qofkasta oo darawal ka ah gaadiidkaasi uu sito sharcigiisii wadida Baabuurka (License).


Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna ku simaha Madaxweynaha Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo soo gaba-gabeeyey munaasibadaasi ayaa ugu horaynba uga mahadceliyey Wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Barnaamijkan cusub ee ay soo kordhisay isagoo Madaxweyne ku xigeenku xusay inuu badbaado u yahay nafo iyo maalba oo qarankan ka bixi jiray.

Madaxweyne ku xigeenku waxa kale uu xusay in adduunyadu maanta laga isticmaalo qalab casri ah kaasi oo loogu talo galay in lagaga badbaado shilalka gaadiidka, sidoo kalena waxa uu xusay hannaanka liisan qaadashada oo uu sheegay in aad loo adkeeyo maadaama adduunyada shuruudo adag lagu xidho qofka qaadanaya liisanka wadida gaadiidka.

Ugu Danbayntiina ku simaha Madaxweynuhu waxa soo dhaweeyey talaabo fiicana ku tilmaamay Barnaamijka Xadidaada Xawaaraha Gaadiidka oo uu sheegay inuu rajaynayo mid lagaga badbaado shilal badan oo sababi jiray inay ku naf waayaan dad aad u badan sababi jirayna khasaare tiro badan.

Wa-bilaahi tawfiiq