Duufaan koronto la'aan ka dhigtay in kabadan 900,000 guri oo Tokyo ku yaalla

0
Monday September 09, 2019 - 09:11:44 in by salman abdi
  • Visits: 454
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duufaan koronto la'aan ka dhigtay in kabadan 900,000 guri oo Tokyo ku yaalla

    Duufaan koronto la'aan ka dhigtay in kabadan 900,000 guri oo Tokyo ku yaalla

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Duufaan koronto la'aan ka dhigtay in kabadan 900,000 guri oo Tokyo ku yaalla

In ka badan 900,000 oo guri oo ku yaalla magaalada Tokyo ee dalka Japan ayaa saakay koronto la`aan ah, ka dib markii ay duufaanta Faxai ku dhufatay meel u dhow Tokyo.

Duufaantan oo saacaddii jareysa 210km ayaa ah mid ka mid ah duufaannadii ugu awoodda badnaa ee ku dhufta caasimadda Japan, muddo toban sano ah.

In ka badan 130 duullimaad ayaa la baajiyay, iyadoo xarumaha tareennaduna saacado ay xirnaayeen, kuwaas oo dadka saameyn ku yeeshay.

Korornto la`aanta ayaa saameysay in ka badan 910,000 oo qof oo ku nool Tokyo, sida warbaahinta dalkaasi ay ku warrantay.

Magaalada Kanagawa ayaa gebi ahaanba koronto la`aan ah, maamulka magaalada ayaana dadka uga digay inay dibadda u baxaan.

Tokyo