Hanjabaaddii Mareykanka dhag jalaq looma siinin oo markabkii Iraan waa laga 'iibsaday' Saliidda

0
Monday September 09, 2019 - 09:28:34 in by salman abdi
  • Visits: 406
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hanjabaaddii Mareykanka dhag jalaq looma siinin oo markabkii Iraan waa laga 'iibsaday' Saliidda

    Hanjabaaddii Mareykanka dhag jalaq looma siinin oo markabkii Iraan waa laga 'iibsaday' Saliidda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hanjabaaddii Mareykanka dhag jalaq looma siinin oo markabkii Iraan waa laga 'iibsaday' Saliidda

Markab looga shakisanaa inuu Saliidda Iiraan u gudbinayo Dalka Suuriya, taasoo ka dhan ah cunaqabateynta dhaqaalaha ee saran Iiraan, ayaa hadda iibiyay Saliiddii uu waday, sida ay sheegtay Dowladda Iiraan.

Sawirro uu qaaday Satellite-ka ayaa muujiyay Markabkan lagu magacaabo Adrian Darya-1 oo Jimcihii ku suganaa meel ka baxsan xeebta dalka Suuriya.

Laakiin afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa sheegay kaliya in Markabku uu gudbiyay xamuulkii saarnaa ka dib markii uu ku xirtay "Xeebta badda Mediterranean-ka", mana uusan carrabaabin waddan khaas ah oo saliidda iibsaday.

Mareykanka ayaa maanta oo Axad aha, 8-da bisha Sitembar, 2019-ka, waxa uu wacad ku maray inuu cunaqabateyn kusoo rogi doono waddan kasta oo saliiddaas iibsaday.

"Waan sii wadi doonnaa inaan Cadaadis saarno Iiraan, sida uu Madaxweyne Trump yirina ma jiri doonto wax khafiifin ah oo ku aaddan ganacsiga saliidda Iiraan", sidaas waxaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay sarkaal u hadlay wasaaradda maaliyadda ee Mareykanka, oo lagu magacaabo Sigal Mandelker.

Markabkii Ingiriiska oo la sii deynayo

Dhinaca kale, Markab uu ka babbanayay calanka Ingiriiska oo ay Iiraan qabsatay, lana rumeysan yahay inay tallaabadaas u qaadday aargoosi ahaan, ayaa hadda diyaar u ah in lasii daayo, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda Tehran.

Afhayeenka wasaaraddaas Abbas Mousavi ayaa sheegay in markabkan oo lagu magacaabo Stena Impero uu marayay marxaladihii dhinaca sharciga ee ugu dambeeyay, lana filayo in "dhawaan" lasii daayo.

Waxaa Markabkaas la heystay tan iyo 19-kii bishii Luulyo, waxaana lagu eedeynayay inuu jabiyay sharciya xuduudaha badda - Iyadoo Iiraan ay si joogto ah u beenineysay in qabashadiisa ay wax lug ah ku leedahay Markabka kale ee laga heystay.

.
Image captionSawirro uu qaaday Satellite-ka ayaa muujiyay in markabka uu ku xirtay magaalada Tartus ee dalka Suuriya
Presentational white space

Markabka Iiraan ee muranka uu hareeyay ayaa siday saliid dhan 2.1 malyan oo barmiil.

Markabkan ayaa saldhig u ahaa muran diplomaasiyadeed oo u dhaxeeya dowladaha Mareykanka iyo Iiraan, kaasoo gaaray meel xasaasi ah.

Waxaa bishii Luulyo gacanta ku dhigay Ciidamada badda ee Ingiriiska waxayna hayeen ilaa 15-kii bishii Agoosto markii ay dowladda Iiraan u ballan qaadday inuusan u jiheysan doonin dhinaca Suuriya.

Muxuu ku jawaabay Mareykanka?

Mareykanka ayaa isku dayayay inuu gacanta ku dhigo markabkan tan iyo markii ay sii daayeen ciidamada Ingiriiska.

Waxay Washington soo saartay Warqad lagu soo qabanayo islamarkaana waxay markabka ku dartay liiska madow.

Sidoo kale waxay mas'uuliyiinta Aqalka Cad ku hanjabeen inay cunaqabateyn saari doonaan waddan kasta oo isku daya inuu caawiyo markabkaas.

Horaantii Isbuucan waxaa soo baxay warar sheegaya in Mareykanka uu lacag malaayiin doolar ah u ballan qaaday kabtanka Markabka, si uu jihadiisa u baddalo isla markaana uu u geeyo ay ay Mareykankau ka qabsan karaan.