Laba wariye oo ciidamada amniga ee magaaladda Hargeysa ay xabsiga u taxaabeen

0
Thursday September 12, 2019 - 12:09:58 in by salman abdi
  • Visits: 382
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Laba wariye oo ciidamada amniga ee magaaladda Hargeysa ay xabsiga u taxaabeen

    Laba wariye oo ciidamada amniga ee magaaladda Hargeysa ay xabsiga u taxaabeen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laba wariye oo ciidamada amniga ee magaaladda Hargeysa ay xabsiga u taxaabeen

Labadda ka mid ah masuuliyiinta shabakadda wararka ee Hadhwanaagnews ayaa xabsiga loo taxaabay,kuwaas oo laba habeen oo isku xigtay la kala xidhay.


Labadan masuul ayaa kala ah Tifaftirhii shabakadda Cabdilaahi Asporo iyo agaasimihii shabakadda Cabdirisaaq Good, waxaanay arrintani ka dambaysay ka dib markii gudoomiyaha Banka dhexe ee Somaliland Cali Ibraahim Baqdaadi uu ku Hadhwanaagnes ka gudbiyey dacwad ka dhan ah.

 

Gudoomiyaha Banka dhexe ee Somailand Cali Baqdaadi ayaa maxkamadda u gudbiyey dacwad uu kaga cabanayo hadhwanaagnews inay ka qortay warar uu ku tilmaamay mid laga been abuurtay,isla markaana lagu eedeeyey inuu sameeyey musuqmaasuq, taas oo maxkamadu soo saartay wareegto lagu amrayo shirkadaha Enternetka iny hawadda ka saaraan oo aan la booqanin shabakadan.

Sidoo kale, waxaa ay xukuumaddu dhowaan albaabada u laabtay telefishanka Horyaal, isla markaana waxay xabsiga u taxaabtay gudoomiyihii Telefishanka Mr: Maxamed Cismaan Sayid.