Guddoomiyaha Golaha Guurtida Oo Madaxweyne Biixi U Gudbiyay Labada Xubnood Ee Uu U Xulay Guddiga Cusub Ee Doorashooyinka

0
Thursday September 12, 2019 - 13:14:54 in by salman abdi
  • Visits: 250
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Golaha Guurtida Oo Madaxweyne Biixi U Gudbiyay Labada Xubnood Ee Uu U Xulay Guddiga Cusub Ee Doorashooyinka

    Guddoomiyaha Golaha Guurtida Oo Madaxweyne Biixi U Gudbiyay Labada Xubnood Ee Uu U Xulay Guddiga Cusub Ee Doorashooyinka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Oo Madaxweyne Biixi U Gudbiyay Labada Xubnood Ee Uu U Xulay Guddiga Cusub Ee Doorashooyinka

Guddoomiyaha golaha guurtida Md. Saleban Maxamuud Aadan, ayaa Madaxweyne Biixi u gudbiyay labada xubnood ee golaha guurtida u meteli doona guddiga cusub ee doorashooyinka.

Inkastoo aanu jirin war rasmi ahi, warar xogogaala ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay in guddoomiye Saleban uu Madaxweynaha u gudbiyay labadaas xubnood oo magacyadoodu kala yihiin:

  1. Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil (Dixood)
  2. Foosi Hiraab Gale

Labadan xubnood, ayaa noqonaya xubnaha u horeeya ee guddiga cusub ee doorashada, waxaana la filayaa inay labada xisbi mucaarad iyaguna maalmahan gudbiyaan labadooda xubnood, Madaxweyne Biixi ayaa isna la sheegay inuu diyaariyay saddexda xubnood ee uu soo xulayo, waxaanu u gudbin doonaa golaha wakiilada oo iyaguna codka kalsoonida u qaadi doona.