Waddani Oo Xukuumadda Ku Cambaareeyay Xayiraada Iyo Xadhiga Hadhwanaag Ee Guddoomiyaha Baanka
Gudoomiyaha garabka dhalinyarada xisbiga Waddani Maxamed Sadiiq Dhamme ayaa waxaa uu cabudhin iyo cago jugleyn uu ku sifeeyey xayiraada ay xukuumadu ku soo rogtay shabakada Hadhwanaagnews waxaana uu yidhi " Waxaanu runtii ka xunahay oo aanu u aragnaa cabudhin iyo cadaadis in lagu hayo saxaafada Somaliland gaar ahaan shabakada Hadhwanaagnews oo la xayiray laba wariye-na laga xidhay oo runtii amarka lagu xidhay iyo awooda loo adeegsadey-na ay tahay cabudhin , kadib markii warar ay qoreen uu dhibsadey gudoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland , Waa Nasiib daro iyada oo aan dacwad la qaadin gar maqal la sameyn sidii uu sharcigu qabey in shabakadii la xidho , isla markaana lagu daro oo xabsiga la dhigo laba Wariye ee Cabdirisaaq Good iyo Cabdiqani Asparo kuwaas oo aan wax waaran ah loo goosanin markii la xidhaayey " ayuu yidhi
Sidoo kale gudoomiye Maxamed Sadiiq ayaa ku baaqey in shabakadaas deg deg xukuumadu xayiraada uga qaadey isla markaana ay sii deyso labada saxafi ee ay xidhay
" Waxaanu ku baaqeynaa in shabakada Hadhwanaag oo runtii ah shabakad weyn in xayiraada laga qaado shaqaalaha la xidheyna xoriyadooda loo soo celiyo " ayuu hadalkiisii ku soo koobay Maxamed Sadiiq Dhamme Gudoomiyaha Garabka Dhalinyarada ee xisbiga Waddani
Waddani Oo Xukuumadda Ku Cambaareeyay Xayiraada Iyo Xadhiga Hadhwanaag Ee Guddoomiyaha Baanka
Waddani Oo Xukuumadda Ku Cambaareeyay Xayiraada Iyo Xadhiga Hadhwanaag Ee Guddoomiyaha Baanka