Ra'iisal Wasaare Kheyre oo dhaawacyo ku booqday Isbitaalka Xoogga
Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Khayre ayaa kormeer ku sameeyey Isbitaalka Xoogga halkaas oo daryeel caafimaad loogu sameeyay ciidamada Dowladda ee ku soo dhaawacmay dagaalada ka socda qaybo ka mid ah gobolada dalka.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa warbixinta ka dib kormeer ku sameeyay qaybaha uu ka kooban-yahay Isbitaalka iyo dhaawac-yada ciidanka la jiifiyay Isbitaalka, waxaana uu balan qaaday in ay heli doonaan adeeg caafmaad oo dhamaystiran sida uu sheegay.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa caafimaad u rajeeyay askarta kusoo dhaawacan-tay dagaalo ay Al-Shabaab kula galeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada dalka qaarkood.
Xukumada uu hoggaamiyo Xassan Cali Kheyre Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa marar badan sheegtay in ay xoogga saarayso dib u dhiska ciidanka xoogga dalka iyo daryeelkooda caafmaad.
Ra'iisal Wasaare Kheyre oo dhaawacyo ku booqday Isbitaalka Xoogga
Ra'iisal Wasaare Kheyre oo dhaawacyo ku booqday Isbitaalka Xoogga