Shir Somaliland ku Qabanayso Nairobi iyo labada Dal oo Shaaciyey Inay iska Kaashanayaan Shiidaalka iyo Nabadgelyadda

0
Saturday September 21, 2019 - 12:50:44 in by salman abdi
  • Visits: 425
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shir Somaliland ku Qabanayso Nairobi iyo labada Dal oo Shaaciyey Inay iska Kaashanayaan Shiidaalka iyo Nabadgelyadda

    Shir Somaliland ku Qabanayso Nairobi iyo labada Dal oo Shaaciyey Inay iska Kaashanayaan Shiidaalka iyo Nabadgelyadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shir Somaliland ku Qabanayso Nairobi iyo labada Dal oo Shaaciyey Inay iska Kaashanayaan Shiidaalka iyo Nabadgelyadda

Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Bisha November ee sannadkan magaalada Nairobi ee dalka Kenyaku qabanaysa Shirk u wajahan Tamarta iyo Kaabeyaasha dhaqaalaha .

 

Sidaasna waxa xaqiijiyey Safiirka Somaliland u fadhiya Nairobi Md. Baashe Cawil Xaaji Cumar oo u warramay Wargeyska ka soo baxa Uganda ee East African Business Weekoo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA.

 

Wargeyska East African Business Week, wuxuu shirkaasi ku tilmaamay inuu qayb ka yahay qorshaha muddada dheer ee Somaliland ku doonayso inay maalgashadeyaashaKenya ku guubaabisosidii ay dhaqaale u gashan lahaayeen Tamarta Somaliland oo ah waddan qani ku ah macdanta oo u heellan maalgashiga caalamiga ah.

Safiirka Somaliland u fadhiya Kenya Baashe Cawil Xaaji Cumar ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku caddeeyeyin ujeeddada shirka Somaliland ku qabanayso Nairobi la xidhiidhosidii xog ballaadhan looga bixin lahaa mashaariicda ku wajahan kaabeyaasha dhaqaalaha ee hadda ka socda dalka iyo sidii loo abuurilahaa mashaariic kala duwan oo saameyn weyn oo dhinaca horumarka ah ku yeesha Somaliland.

 

Shirkan ayaa ku soo beegmay maalmo ka dib, markiiWakiilka Somaliland uu la kulmay Wasiirka Macdanta iyo Baatroolka Kenya Mr. John Munyes oo kulankooda kaga wada hadlay sidii labada dal iskaga kaashan lahaayeen dhinaca Tamarta.

Waxa kaloo dawladaha Somaliland iyo Kenya ay isla soo qaadeen sidii ay wadajir uga wada shaqeyn lahaayeen dhinaca dhaqaalaha gaar ahaanwax soo saarka Shiidaalka iyo dhoofintiisa. Sidoo kale waxay labada masuul ka wada hadleen arrimoku saabsan ammaanka mandaqadda.

 

 

"Waxaan ku faraxsan nahay in dhawaan Kenya ay ku tallaabsatay arrin taariikhi ah oo ay ku biirtay ururka dalalka shiidaalka soo saara, sidaas darteed, waxaan ku faraxsan nahay inaan xafiiskiisa kula kulmay Wasiirka Macdanta iyo Shiidaalka KenyaJohn Munyes oo hoggaaminayey guushaas weyn ee dalkiisu gaadhay,”ayuu yidhi Danjire Baashe Cawil.

 

Baashe Cawil wuxuu sheegay inuu Wasiirka Macdanta iyo Shiidaalka Kenya tafaasiil ka siiyey in JSL ay dhowaan dhammaystirtaysahamintii dhinaca shiidaalka ee ugu ballaadhneyd Afrika, isla markaana ay danaynayaan in Somaliland iyo Kenyasi dhow iskaga kaashadaan arrimaha dhaqaalaha iyo ammaanka.

 


 

Somaliland waxay leedahay 24 aag oo shiidaal ku jiro, kuwaasi oo lix ka mid ah ay heshiisyo ula gashay saddex shirkadood oo caalamiya oo kala ah Genel Energy,Rak Gas iyo Ansen Gas.



Cumar Maxamed Faarax
00252 24424148
252 2 9162495