Dawlada Mareykanka oo Sacuudiga u diraya ciidamo difaaca xarumaha Shidaalka
Xoghayaha Difaaca Mareykanka Mark Esper ayaa ku dhawaaqay inuu qorsheynayo ciidamo loo diro Sacuudi Carabiya, kaddib weeraradii todobaadkii hore lagu qaaday xarumaha laga soo saaro shidaalka.
Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka ayaa sheegay in Sacuudiga iyo Imaaraadka ay ka dalbadeen Ciidamo, si ay u xoojiyaan difaaca hawada ee dhanka Gantaalaha, waxaana la geyn doonaan qalab milateri labada dal.
Dowladda Sacuudiga ayaa ku eedeysay Iiraan inay ka dambeysay weerarka lagu qaaday labo warshadood oo kuwa shidaalka ah, waxaana ay soo bandhigtay caddeymo muujinaya weerarka.
Dhinaca kale Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shalay ku dhawaaqay in cunaqabateyn heerkeedu sarreeyo ku soo rogi doonaan dalka Iiraan.
Xuutiyiinta Yemen ee ay taageerto Iiraan ayaa sheegtay Mas’uuliyadda weerarada lagu qaaday xarumaha shidaalka Sacuudiga, kaasoo sababay khasaarooyin fara badan iyo inuu hoos u dhacay 50% wax soo saarkii Shidaalka.
Dawlada Mareykanka oo Sacuudiga u diraya ciidamo difaaca xarumaha Shidaalka
Dawlada Mareykanka oo Sacuudiga u diraya ciidamo difaaca xarumaha Shidaalka