Kacdoon ka bilaawday dalka Masar iyo ciidanka oo dibadbaxayaal xabsiga dhiggay

0
Saturday September 21, 2019 - 13:49:04 in by salman abdi
  • Visits: 351
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kacdoon ka bilaawday dalka Masar iyo ciidanka oo dibadbaxayaal xabsiga dhiggay

    Kacdoon ka bilaawday dalka Masar iyo ciidanka oo dibadbaxayaal xabsiga dhiggay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kacdoon ka bilaawday dalka Masar iyo ciidanka oo dibadbaxayaal xabsiga dhiggay

Ciidanka Booliiska dalka Masar ayaa xabsiga dhigay boqolaal ka mid ah dadkii hogaaminaayay banaanbaxyo waa weyn oo xalay ka bilowday Magaalada Qaahira iyo sidoo kale meelo ka mid ah dalka.

 

 

 

Ciidanka Booliska sidoo kale waxa ay isticmaaleen sunta dadka ka ilmeysiisa si ay u kala ceyriyaan dibadbaxayal isugu soo baxay magaalada Qaahira.

 

 

Dibadbaxayaasha ay ka jawaabayay eedeeyn musuqmaasuq oo loo soo jeediyay dowladda madaxwayne Sisi.

Waa dibadbaxii ugu horreeyya ee Masar ka dhaca tan iyo intii uu xukunka la wareegay madaxwayne Cabdul Fattax al-Sisi 2014.

Waxaa taagan cabsi weyn oo ku aadan in banaanbaxyadda ay sii socdaan , islamarkaana ay ka bilowdaan meelo hor leh oo ka mid ah dalka Masar.

Ganacsade reer masar ah islamarkana ah jilaa, Moxamed Cali, ayaa muuqaalo is xig-xiga oo uu ku baahiyay baraha bulshada waxa u ku eedeeyay madaxwayanha Masar in malaayiin doolar uu ku lumiyay dhismooyiin kuwa raaxadaa ah iyo huteelo xilli ay malaayiin reer Masar ah ku nool yihiin faqri.