Saladiin Iyo Qoonyahanada Gobolka MoroodiJeex Oo Tageero U Muujiyey Maayarka Caasimadda.

0
Friday October 17, 2014 - 20:59:00 in by salman abdi
  • Visits: 739
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saladiin Iyo Qoonyahanada Gobolka MoroodiJeex Oo Tageero U Muujiyey Maayarka Caasimadda.

    Aqoonyahano,ganacsato,a Siyaasiyiin iyo dhalinyaro ayaa taageeru u muujiyay Maayarka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) ka dib markii muran kala dhex galay Xildhibaanada Golaha degaanka Hargeysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aqoonyahano,ganacsato,a Siyaasiyiin iyo dhalinyaro ayaa taageeru u muujiyay Maayarka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) ka dib markii muran kala dhex galay Xildhibaanada Golaha degaanka Hargeysa.



Aqoonyahanaddan iyo ganacsatadan oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa sheegay in Maayarku gudanayo hawlihiisa shaqo islamarkaana uu wax badan qabtay intii uu xilka hayay.

Ganacsade Axmed Xaaji Cabdilaahi oo ka tirsan Ganacsatada Hargeysa ayaa ugu horayn halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Maayarku wax la taaban karo qabtay siiba dhanka dab-damiska iyo waddooyinka

"Waxa u dhisay Maayarku Wadooyin Aad u badan oo sawaxankii Gawaadhida kala yareeyay Arinkaasina waa in lagu amaano,Qofka Bil-aadamkii wuu khaldami karaa waxa uu u baahan yahay in la toosiyo,Hadii lakiin Lasii kala Rido isna waxba qaban Maayo,Bulshadana waxba u qaban maayo,Lakiin Arinka meesha yaal waxa weeyaan in la Tageero,Maayar kale oo la doortaana Yaanay Jirin” ayuu yidhi ganacsade Axmed Xaaji

Cabdi-risaaq Suudi Nuur oo u sharaxan Doorashada sanadka soo socda ee Wakiilada ayaa tilmaamay in faro galin kale dibada uga timid Golaha degaanka.

"Labadaas Sanno ee golaha Deegaanku Jira waxa u qabsoomay Horumar Lataaban Karo,Hadii Saddexda u hadhayna Car-qalad La galiyo Waxaan Odhan Karaa waxba uma qabsoomi Doonaan,Laakiin waxaad Moodaa In Faro Galin kale meel kale kaga Socoto,Ama reer ha Noqoto ama Xildhibaano ha noqotee,Markaas waxaan odhan lahaa Maayarku Intii uu Xilka hayay wuu dadaalay hadii uu wax dhimayna waxa fiican in la toosiyo,laakiin hadii Layidhaa Xilka ayaanu kaa qaadaynaa Mafiicna,Jiciir waxa uu hayay Xilka Shantii Sanaba,Marna Xilka lagama Qaadin,Kana waxa qurux Badan inuu Xilkiisa dhamaysto,Wixi ka khadlana loo hagaajiyo” ayuu yidhi Mr Cabdirisaaq

Garaad Cabdi Risaaq Daahir oo isna ku hadlayay Magac dhalinyarada Dagmada Hargaysa waxa uu yidhi”Waanu Leenahay Xildhibaanada Golaha Deegaanka Idiimaan Dooran inaad is qabsataan,Lakiin waxaanu idiin Dooranay inaad Maayarka iyo Ku xigeenkiisa ku Tageertaan waxqabadka ay bulshada u fidiyaan,Dhamaan Garoonadii Magaalada hargaysa wuu qurux bad-naysiiyay waxaana uu dhamaantood Dhigay Qalab Aad u sareeya,waxaana odhalahaa Maanta Cid Wax qabatay isaga ayaa ugu badane Dadaalkiisa halkaas ha kasii wadee ka daaya Qorsha Qorshaynta.

Hadalka Xubnahan ayaa ka dambeeyay ka dib markii shalay tobaneeyo xildhibaan oo golaha degaanka Hargeysa ka tirsani dhaliilo u jeediyeen Maayarka Hargeysa, iyagoo ku dooday inuu hanaan kalitalisnimo ah uu ku maamulayo Dawladda hoose.

Contact@afkashacabka.com