Dagaalka Ka Dhax Qarxay Manta Alqaacidada Iyo Xuthiyiinta Oo Ku Dhaxmar Dalka Yaman

0
Friday October 17, 2014 - 21:05:57 in by salman abdi
  • Visits: 1521
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaalka Ka Dhax Qarxay Manta Alqaacidada Iyo Xuthiyiinta Oo Ku Dhaxmar Dalka Yaman

    Dagaalkan ayaa ka socda magaalada Ibb ee ku taal koonfurta dalka Yemen halkaasi oo ay shalay gaareen maleeshiyaadka shiicada ah ee xuutiyiinta oo horey u soo qabsaday magaalada Xeebta saaran ee Al Xudaydah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaalkan ayaa ka socda magaalada Ibb ee ku taal koonfurta dalka Yemen halkaasi oo ay shalay gaareen maleeshiyaadka shiicada ah ee xuutiyiinta oo horey u soo qabsaday magaalada Xeebta saaran ee Al Xudaydah.

Magaalada Ibb ayaa ku taal waqooyiga magaalada Ticis, waxayna kamid tahay goobaha ay ku xoogan yihiin dagaalyahanada Al Qacidada dalka Yemen oo awood ku leh koonfurta Yemen.

Dagaalka socda 24kii saac ee lasoo dhaafay ayey ku dhinteen ugu yaraan 10 qof sida ay sheegayaan warbaahinta dalka Yemen.

Al Qacida ayaa todobaad kahor ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah xuuthiyiinta oo bilihii lasoo dhaafay waday inay la wareegaan dhul badan oo kamid ah waqooyiga Yemen oo ay ku jirto caasimada Sanca.

Xuuthiyiinta ayaa hada bilaabay inay isku balaariyaan dhulka koonfurta ku yaal oo ay u badan yihiin sunniyiinta.

Maleeshiyaadka xuuthiyiinta ayaa dhiiro gelin ka helay hub badan oo ay kala wareegeen ciidamada Yemen markii ay qabsadeen qeybo kamid ah caasimada Sanca, sidoo kale dowlada Iran ayaa la sheegayaa in dhanka militariga iyo tababarada ka saacido shiicada Yemen.

Xuuthiyiinta ayaan wax iska caabin ah kala kulmin ciidamada Yemen sidoo kale ma jiraan cadaadis kale oo dhanka caalamka uga yimid. Balse markan waa markii ugu horeysay oo ay dagaal fool ka fool ah isku arkaan maleeshiyaadka Al Qacida oo sheegay inay ku jihaadayaan Xuuthiyiinta Dalka Yemen Ka Dilaacday

Kooxaha Al Qacida ayaa dhanka kale dagaal kula jira ciidamada Yemen waxayna iska illaaliyaan diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka oo si joogta ah u duqeeya fariisimaha Al Qacida.

Dagaalkan ayaa laga cabsi qabaa inuu keeno burbur iyo dagaal sokeeye oo ka qarxa dalka Yemen oo ay horey uga taagnaayeen xiisado siyaasadeed tan iyo markii xukunka laga tuuray dowladii Cali Cabdallah Saalax.

Contact@afkashacabka.com