Madaxwaynaha Somliya Oo Dib Ugu Soo Laabtay Magalada Muqdisho

0
Friday October 17, 2014 - 21:12:57 in by salman abdi
  • Visits: 706
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwaynaha Somliya Oo Dib Ugu Soo Laabtay Magalada Muqdisho

    Madaxweynaha Jamhuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, iyo wafdigii uu hoggaaminaayay ayaa maanta dalka ku soo laabtay, ka dib markii uu booqasho saddex maalmood ah ku tegey dalka Faransiiska.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, iyo wafdigii uu hoggaaminaayay ayaa maanta dalka ku soo laabtay, ka dib markii uu booqasho saddex maalmood ah ku tegey dalka Faransiiska.

Madaxweynaha oo si diirran loogu soo dhoweeyay Xarunta Madaxtooyada Jamhuriyadda Faransiiska, waxay wadahadal yeesheen Madaxweynaha Faransiiska, Francois Hollande oo ay isla soo qaadeen xiriirka labada dal ee dhinacyada Difaaca, Amniga iyo Horumarinta.

Madaxweynuhu maalmaha uu joogay Paris, waxaa uu booqday hey’ado kala duwan oo isugu jira kuwo Dowladeed iyo qaar gaar loo leeyahay.

Wadahadal uu Xaruntooda kula qaatay hey’adda MEDEF oo ay xubno ka yihiin in ka badan 6,000 oo sharikadood, ayuu Madaxweynuhu wakiillada sharikadahaas waxaa uu ku dhiirri geliyay in ay maalgashadaan Soomaaliy.

Madaxweynuhu wuxuu ku tilmaamay in amnigu soo hagaagayo, isla markaasna cabsida ku jiri karta sharikadaha doonaya in ay hanti badan geliyaan Soomaaliya ay isla markaasna wadato faa’iidadeeda maaddaama uu hadda yar yahay tartanka ganacsi.

Madaxweynuhu wuxuu kale oo booqday Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Paris.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda, Cabdiraxman Beyle iyo Wasiirka Difaaca, Maxamed Shiikh Xaamud.

Waxaana wafdigu meel kasta uu tago ku wehliyay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Brussels, Cali Saciid Faqi.

 

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa saaka dalka dib ugu soo laabtay, waxaana garoonka dayaaradaha Adan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka, Maxamed Cusmaan Jawaari iyo mas’uuliyiin ka tirsan labada Gole.

hassan1
hassan2

Contact@adkashacabka.com