Badhasabka Togdheer oo Amar ku soo Rogay Hotelada Waaweyn ee Burco iyo Nuxurka Qoraalkii loo Gudbiyey Hotelada: Akhri

0
Saturday October 18, 2014 - 07:37:57 in by salman abdi
  • Visits: 869
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Badhasabka Togdheer oo Amar ku soo Rogay Hotelada Waaweyn ee Burco iyo Nuxurka Qoraalkii loo Gudbiyey Hotelada: Akhri

    Badhasabka Gobolka Togdheer Maxmed Muse Diiriye ayaa shalay Amar ku soo Rogay Hotelada Waaweyn ee Magaalada Burco gaar ahaan kuwa inta badan lagu qabto Xafladaha iyo kulamada, Waxanu Badhasabku ku amray in Xuska Maalinta Shuhadada SNM aan lagu qaban

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Badhasabka Gobolka Togdheer Maxmed Muse Diiriye ayaa shalay Amar ku soo Rogay Hotelada Waaweyn ee Magaalada Burco gaar ahaan kuwa inta badan lagu qabto Xafladaha iyo kulamada, Waxanu Badhasabku ku amray in Xuska Maalinta Shuhadada SNM aan lagu qaban karin hudheeladaas, marka laga reebo ayu yidhi Hotel Deero oo kaliya, isago sido kalena u fasaxay Xarunta Jimciyadda SOOYAAL inay tahay Cidda keliya ee xuska maalintaasi xaflado u samayn karta kuna qabsan karta xarunteeda, Amarkan uu Badhasabku ku amray hudheelada inaanay ka kirayn cid xafladaasi qabanaysa hudheelkooda ayaa daba socota amar uu dorraad Wasiirkuxigenka Amnigu ku siiyey Muulkiilaha Hudheelka Hiddo dhowr ee caasimadda hargeysa Muj Sahra Halgan inaanay hudheelkeeda xaflad ugu qaban karin xuskaas, islamarkaasna cid kale ku qabsan karin, iyadoo markii ay amarkaasi xukuumadda ku gacansaydhayna ciidamada ammaanku baajiyeen Munasibaddii lagu qabanlahaa hudheelka Hiddo Dhowr ee Muj Sahra Halgan, Halkan Hose ka akhri Amarka Badhasabku siiyey Hudheelada


Contact@afkashacabka.com