Taliyaha Qaybta Booliska Gobalka Gobalka Saraar Oo Xabisga U Taxaabay Wadaado Iyo Dad Wax Garad Ah Oo Ka Hadlay Xarun Dadka Laga Tahriibiyo Oo Laga Furay Magaalada Caynaba

0
Friday September 27, 2019 - 18:10:31 in by salman abdi
  • Visits: 399
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Qaybta Booliska Gobalka Gobalka Saraar Oo Xabisga U Taxaabay Wadaado Iyo Dad Wax Garad Ah Oo Ka Hadlay Xarun Dadka Laga Tahriibiyo Oo Laga Furay Magaalada Caynaba

    Taliyaha Qaybta Booliska Gobalka Gobalka Saraar Oo Xabisga U Taxaabay Wadaado Iyo Dad Wax Garad Ah Oo Ka Hadlay Xarun Dadka Laga Tahriibiyo Oo Laga Furay Magaalada Caynaba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Qaybta Booliska Gobalka Gobalka Saraar Oo Xabisga U Taxaabay Wadaado Iyo Dad Wax Garad Ah Oo Ka Hadlay Xarun Dadka Laga Tahriibiyo Oo Laga Furay Magaalada Caynaba Beryihii u danbeeyay waxa soo shaac baxaayay in magaalada caynaba ee xarunta gobalka saraar laga furay xarun dadka laga tahriibiyo isla markaana loo sii dhaafiyo magaalada Boosaaso ee maamul gobaleedka puntiland xarunta oo badana laga tahriibiyo dadka Ethiopianka Ah ee socodka lagta ah ku tegi jiray magaalada Boosaaso si ay ugu sii gudbaan Wadamada carabta.

Xaruntan oo ay dadka laga tahriibiyo ee ku taal magaalada caynba oo ay furteen niman dhalin yaro ah oo ku nool magaalada caynaba isla markaana ay qaab kootarabaan ahaan ah ugu gudbiyaan dad kale oo ku sugan maamul gobaleedka Puntiland oo iyaguna ay wada shaqaystaan isla markaana dadkan u dhoofiyaan Wadamada Carabta.

 

Xaruntan oo ay maanta Khudbadii salaadii jimcaha kaga hadleen wadaada wadaada ku nool magaalada caynaba iyo wax-garadka oo bulshada iyo xukuumadaba ugu baaaqen inay arinta wax ka qabtaan isla markaana ay ciidanka Boolisku xidhaan Xaruntan dadka laga tahriibinayo e ku taal magaalada.

khudbadii jimcaha ka dib maanta ayaa ciidamada Boolsika Gobalka Saraar Oo Uu Horkacaayo Taliyaha Qaybta Booliska Gobalka Saraar Xasan Gacma Yare Uu Xabsiga U Taxaabay Mid Kamida wadaadii khudbada jimcaha kaga hadashay arinta xarunta tahriibinta dadka ee ka furan magaalada caynba oo lagu magacaabo shiikh Farxaan Ciise xaaji Nuur oo kamida culimada waawayn ee magaalada caynaba oo arinta si adag ugaga hadlay khudbadii jimce ee maanta misjidka u wayn ee magaalada caynaba.

Ciidamada Boolsika Gobalka ee magaalada caynaba ayaa sido kale kala kaxeeyay dad mudaharaday xadhiga wadadka isla markaana kaso horjeeda xarunta dadka laga tahriibinyo ee ka furan magaalada caynaba oo si wayn u shaqaynaysay beryihii u danbaysay isla markaan ku dhow Xarunta taliska Qaybta Booliska Ee Gobalka Saraar.

Goordhaw Filo Muuqaalka Warkan