Faysal Cali Waraabe Oo Ballan Ku Qaaday Inuu Wasiir Ku-Xigeenka Gaashaandhigga Ku Weerari Doono Xafiiskiisa Haddii Uu Mar Dambe Warbaahinta Ka Caayo

0
Wednesday February 05, 2014 - 17:29:54 in by Super Admin
  • Visits: 996
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faysal Cali Waraabe Oo Ballan Ku Qaaday Inuu Wasiir Ku-Xigeenka Gaashaandhigga Ku Weerari Doono Xafiiskiisa Haddii Uu Mar Dambe Warbaahinta Ka Caayo

    Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa markii ugu horreysay shaaca ka qaaday inuu Xafiiskiisa ugu dhex tegi doono, isla markaana kula dagaallami doono Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Cabdi Da

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddomiye Faysal Ali Warabe
Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa markii ugu horreysay shaaca ka qaaday inuu Xafiiskiisa ugu dhex tegi doono, isla markaana kula dagaallami doono Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Cabdi Daahir Cammuud oo uu sheegay inuu caadaystay caydiisa iyo wax-ka-sheeggiisa. Hargeysa (AFSHA) Guddoomiyaha UCID waxa uu sheegay inaanu mar dambe u dul-qaadan doonin cayda Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiggu u jeediyo, isla markaana waxa uu ballan ku qaaday inuu Xafiiska ugu geli doono oo uu gacan saari doono. Faysal Cali Waraabe waxa uu sidaa ku sheegay mar uu shalay Warbaahinta kula hadlayey xarunta dhexe ee UCID ee magaalada Hargeysa.

"Miyeydaan arag Wasiir Ku-xigeenkan London Xamaalka ahaan jiray ee laga dhigay Wasiir Ku-xigeenka Gaashaandhiga, kaa Wasiir Ku-xigeenka ah waxaan leeyahay haddii aad mar kale I caydo waxaan balan kuugu qaadayaa inaan Xafiiska kuugu imaaddo oo aan gacan ku saaro. Siduu ii caayi karaa inan yar oo London Xamaal ka ahaa oo Wasiir Ku-xigeen la siiyay.?” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, waa Masuulkii ugu horreeyey ee sidan oo kale Masuul wax ka sheega ugu hanjaba inuu Xafiiskiisa ugu geli doono, isla markaana uu gacan saari doono. Waana markii ugu horreysay ee uu sidan oo kale Faysal uga hadlo cid eedayn u jeedisay amaba uu aflagaaddo ka tirsanayo. Waana markii ugu horreysay ee uu wax ka yidhaahdo hadallada eedaynta iyo aflagaaddada uu ku tilmaamay ee uu u jeediyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Cabdi Daahir Camuud.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Cabdi Daahir Camuud, ayaa tan iyo markii loo magacaabay xilka sannadkii hore marar badan Warbaahinta kaga jawaabay eedaymo uu Faysal Cali Waraabe u jeediyey Xukuumadda Somaliland iyo Masuuliyiinta Xukuumadda qaarkood, isla markaana jawaabaha uu bixinayo beddelkooda dhaleecayn iyo eedaymo u jeedinayey Guddoomiyaha UCID.