Maayir Ku Xigeenka Degmada Burco Oo Soo Af Meeray Wajigi Kowaad Ee Dhismaha Wadooyinka ee Ka Socday Magalada Burco+Sawiro

0
Saturday October 18, 2014 - 21:04:59 in by Burco Office
  • Visits: 1105
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maayir Ku Xigeenka Degmada Burco Oo Soo Af Meeray Wajigi Kowaad Ee Dhismaha Wadooyinka ee Ka Socday Magalada Burco+Sawiro

    Waxa Malmahi Udanbayay Ka Socday Dhisamyaal Wodooyin Oo Laga Waday Magalada Burco

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa Malmahi Udanbayay Ka Socday Dhisamyaal Wodooyin Oo Laga Waday Magalada Burco


BURCO(AFKA)-Maayir Ku xigeenka Degma Burco Oo Maanta furay wadada isku Xidha jaamacad iyo Biriishka Burco Taasi oo ay ka mid ahayd balan qaadki ay Dawalada Hoose Ee Burco ay ubalanqaaday Ardayda Waxkabarata Jamacada Burco iyo Mamaulkaba,

Wadadani ayaa Maanta Si Rasmi ah Loo Soo Afmeeray Wajigii Udanbayay Waxana Kasoo Qayb Galay Mayirku Xigeenka Dagmada Mr Xoday,Xildhibaan Kayse Cabdi Raage Xil,Shine Faliidh,Xildhaban Axmed Afyare ,C/risaaq Saciid Farax Oo Ku Hadlayay Afki Shirkada Dhismaha Ka Wada Magalada Burco iyo Masuliyin Kale Waxanay Ku Dheeradan Ahmyada Baladhan ay Ku Fadhido Wadadani Iyo Fa,idada Uleedahay Ardayda Jamcada iyo Xafadaha Ku Dhow,

Waxana Ugu Horaynba Wadadani Ka Hadlay Mayir Ku Xigeenka Degmada Burco Mr:Xoday oo Ku Dheeraday Wadooyinka ay mudadi udanbaysay ka wadeen Magalada Burco iyo Fa,idada ay ledahay waxa Kale Oo Carabka ku Dhuftay Mayirku In manta Lasoo Gabagabyay Wajigi Kowaad Ee Wodoyinkay ay Ka Waddo Dawlada Hose Isaga Oo Tilmaamay In Wadadani Noqondonto Mid Rasimala

Waxa Iyaguna Ka Hadlay Ahmiyada ay Leedahay Wadadani Xil,Kayse Cabdi Raage,Xildh Shiine Faliidh Iyo Xil Axmed Afyare Oo Dhamaantodba si iskumida Amaan Baladhan Dusha Ka Huwiyay Shirkada Sida Wanagsan Uga Wada Maalada Burco ee Lagu Magacabo Orietal Constaction,Waxa Kale Oo si wada Jira ugu baqeen in Bulshada Rer Burco ay Xoog iyo Maalba La Garab Istagaan Sida Habsamida Leh Ay Dawlada Hoose Uga Waddo Wadoyinka Magalada Burco Taasi Oo Waxwayn Ka Badali Doonta Bilicda Magalada

Waxa Isaguna Ka Hadlay Wadadani Mid Kamida Enginerada Ka Wada Dhismaha Wadoyinka Ka Socda Magalada Burco Kaas Oo Lagu Magacabo C/risaq Saciid Faarax ayaa Ka Hadlay Tayadda Wadooyinka ay Layahiin Iyo Mudada ay Socdeen Kana Duwanan donaan Wadoyinki Hore ee Ka Jiray Magalada Burco,

Isku Soo Wada Duubo Mudoyinki Udanbayay Ayaa Waxa Ka Socday Magalada Burco Dhismayaal Badan Oo Lagu Dayactirayay Wadooyinka Hore Uga Jiray Magalada Burco iyo Kuwa Cusub Oo Hada La Bilabay Isl Markaana Dhagax Dhigay Madaxwaynaha Somaliland Mar Uu Socdaal ku marayay Gobolada Dalka, 




C/risaaq C/laahi Aadan (Koronto}

AfkashacabkaBurco,Office

 koronto935@gmail.com