Jubbaland oo ka digtay cawaaqib ka dhalan kara cadaadiska uga imanaya Dowladda Federaalka

0
Tuesday October 08, 2019 - 13:09:44 in by salman abdi
  • Visits: 346
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jubbaland oo ka digtay cawaaqib ka dhalan kara cadaadiska uga imanaya Dowladda Federaalka

    Jubbaland oo ka digtay cawaaqib ka dhalan kara cadaadiska uga imanaya Dowladda Federaalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jubbaland oo ka digtay cawaaqib ka dhalan kara cadaadiska uga imanaya Dowladda Federaalka

Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad gobolleedka Jubbaland Maxamuud Siyad Aadan ayaa sheegay in kacdoon shacab uu ka dhalan karo sida uu hadalka u dhigay cadaadiska Dowladda Federaalka ay ku heyso Jubbaland.

 
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu ugu baaqay in ay dib xoriyadiisa ugu soo celiso Wasiirkii Amniga maamulka Jubbaland Cabdirashiid Janan oo u xiran Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Wuxuu sheegay haddii ay jiraan dad wax ka tabanaya mas’uuliyiinta maamulka Jubbaland loo baahan yahay in ay ka dacwoodaan haya’ddaha Garsoorka maamulka.

Dhinaca kale madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo ka hadlay caleemo saarka madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in la qaban doono munaasabadda caleemo saarka marka ay soo dhameystirmaan wafuud lagu martiqaaday.

Caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland ayaa markii labaad dib u dhacday, sababo la xiriira xayiraada ay dowladda Federaalka Soomaaliya ay saartay.