Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo lagu dilay dagaal ka dhacay duleedka Jowhar

0
Saturday October 12, 2019 - 10:54:27 in by salman abdi
  • Visits: 378
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo lagu dilay dagaal ka dhacay duleedka Jowhar

    Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo lagu dilay dagaal ka dhacay duleedka Jowhar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo lagu dilay dagaal ka dhacay duleedka Jowhar

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in weerar dhabagal ah ku dileen saddex sarkaal oo la socda kolonyo gaadiid ah oo ay ku safrayeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

 

 

Weerarkan ayaa gaar ahaan ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanka Xawaadleey oo degmada Jowhar oo qiyaastii 9km dhanka Koonfur uga beegan.

 

Saraakiishan la dilay ayaa lagu soo waramayaa in mid ka mid ah uu madax u ahaa ilaalada gaarka ah ee madaxweyne ku-xigeenka dowlad gobolleedka Hirshabeelle.

Ciidanka la weeraray ayeey ilo xog-ogaal ah sheegayaan in ay ku sii socdeen in ay weerarran saldhig ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, balse inta aysan gaarin weerar kala kulmeen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab.

Al-Shabaab ayaa maalmihii ugu danbeeyayba kordhiyay weerarrada jid galka ah oo ay ku qaadaan ciidamada dowladda iyo mas’uuliyiinta maamulka Hirshabeelle ee ku safra Wadada xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar.