War saxafadeed Ururka Qareenada Somaliland Ee SOLLA

0
Tuesday October 15, 2019 - 09:33:38 in by salman abdi
  • Visits: 399
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War saxafadeed Ururka Qareenada Somaliland Ee SOLLA

    War saxafadeed Ururka Qareenada Somaliland Ee SOLLA

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War saxafadeed Ururka Qareenada Somaliland Ee SOLLA
Ururka qareenada Somaliland e SOLLA markuu arkay qabashada war saxafadeed ay qabteen qareeno ka mid ah ururka qareenada Somaliland warsaxafadeedkasi oo ay warbaahinta ka difaacayen iskuukada gaarka loo leeyahay iyaga oo ku hadlaya magac ururka qareenada SOLLA warkaasi oo warbaahinta ka baxay maalintii ay taarikhdu ahayd 12/10/2019 war saxaafadeedkaasi oo ay warbaahintu ciwaano kala
duduwan u samaysay ciwaanadaasi oo dhamaantood taabanayey magaca ururka qarenada Somaliland e SOLLA oo dhaliilay xeer-nidaamiyaha wasaarada wax barashada Markaanu urur ahaan daawanay dhagaysanay akhrinay war saxafadeedkaas oo war baahinta ka baxay 12/10/2019 kuna baxay magaca ururka qarenada Somaliland oo war baahinta qaarkood Cinwaan uga dhigen Ururka qareenada Somaliland e SOLLA oo Maxkamada la tiigsanaya wasarada wax barashada ,

 

arintaasi oo ah arin aanay waxba aanay ka jirin ururka qarenada Somaliland waa urur ay ku bahooben dhamaan garyaqanada Somaliland manaha in magaciisa cid gaar ah loo adeegsado qarenada hadlayna kumay hadal kumana hadli karan magaca ururka qarenada Somaliland e SOLLA
Markanu ogaanay danaha iyo ujeedada war saxafadeedka xubnaha qarenada e sare ku xusani inay ku salaysantahay difaacida iskuulada gaarka loo leeyahay oo ay qareeno u yihiin magacooda oo kaliyana ku difaaci karaan balse aanay uadeegsan karin magaca ururka

Markanu aragnay , hadafka iyo ujeedooyinka ururka qarenada Somaliland e SOLLA u aas-aasanyahay Inaanay ahayn difaacida ama u doodida cid gaar ah balse uu ururka matali karo oo
- kaliya danta caamka ah oo kaliya ah Markanu aragnay xeer-hoosadka ururka qarenada Somaliland e SOLLA lagu aas-aasay
e xerNO.2/6/2016 qododiisa 9 aad ,18 aad,20 aad,23 aad ,24 aad oo - dhamantood ka hadlaya waajibad xubnaha ururka iyo cida ku hadli karta
magaca ururka qarenada SOLLA

waxaa uu ururka qarenada Somaliland e SOLLA halkan ku caddaynaya kuna beeninayaa in xubnaha qarenada ee war saxafadeed war baahinta kaga hadlay iyaga oo isticmaalaya magac ururka qarenada somalilad e SOLLA aanay matalin ururka qarenada war saxafadeedkooduna uu kaliya ku salaysanyahay kuna koobanyahay aragtidooda oo aanay ahayn aragti sharci oo ka soo baxday ururka qarenada Somaliland e SOLLA waana mid ku kooban aragtida 4 qareen e war baahinta ka hadlay oo kaliya.

Waxaanan war baahinta Madaxa banaan iyo ummada reer Somaliland iyo dhinacyada muranku ka dhexeeyaba ogaysiinaynaa inaanay qarenadaasi matalin kuna hadli karin magaca ururka qarenada Somaliland oo uu war saxafadeedkoodu ku koobanyahay aragtidooda sharci afkii ururkana aanay ku
hadli karin , sidoo kale waxanu uga digaynaa xubnaha qarenada inaanay magaca ururka u adeegsan karin war saxafadeedyada ay ku difaacayan dadka ama hayadaha ay qarenada u yihiin, waxana ogaysiiskan ka dib laga qaadi doona cidkasta oo isticmaasha magaca ururka talaabo anshax-marineed oo
xeerkan waafaqsan

ALLah Mahad leh
Mohamed Mohamoud Hashi------------
Guddomiyaha Ururka qarenada Somaliland e SOLLA