Guddigii hore ee Gacanta ku hayey Jamacadda Sanaag University oo Wartiyeed ka soo Saaray Maamulki laga Warejiyey iyo Sababta

0
Sunday October 19, 2014 - 18:12:03 in by salman abdi
  • Visits: 1052
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddigii hore ee Gacanta ku hayey Jamacadda Sanaag University oo Wartiyeed ka soo Saaray Maamulki laga Warejiyey iyo Sababta

    War murtiyeed ay soo saareen gudidii Hore Ee Jamacadda sanaag University ee dhowaan la kala diray ayaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War murtiyeed ay soo saareen gudidii Hore Ee Jamacadda sanaag University ee dhowaan la kala diray ayaa

lagu sheegay in aanay jirin jaamacad hada maamulka loo magacaabay uu bilaabayo ee ay tahay jaamacad arimaheed u dhan yihiin isla markaana gudidaasi laga faro maroojiyey

Halka Ka Akhri War Murtiyaadkaasi

Sida aad la socotaan Riyada Jaamacad Sanaag yeelato waxay curaty(2005) hase yeeshe waxay si rasmi ah u bilaabantay (2009) waxay socotey ilaa (2010 ) Dhamaadkiisi ka dibna waa xidhantay,Waxaa dib loo furay June 2011 iyada dib loo soo nooleeyey Guddigii isla markaana la magaacabay Guddoomiyihii Jaamacadda sanaag university.
Muddo yar ka dib Jamacaddii waxay la kulantay caqabado badan oo ay ugu darantahay Dhaqaala xumo soo wajahday jaamacadda,Guddi ahaan markaan dhibaatan soo bandhigno dhego furan looma lahayn waayo diyaar looma ahayn in maamulka cusub lala shaqeeyo.

Dhibaatada kale ee jamacadda soo wajahaday waxay ahayd Guddiga(BOD)ka oo markii la magacaabo iska kala tegayey,mar kasta waxaan ku soo hadhayney Saddex ama afar xubnood taasina waxay curyaamisey go’aan qaadashadi guddiga.

Haddaba Dhibaatada J aamacdda soo wajahday waxay ahayd mid ku tala ga lah sababta oo ah:-

Guddigan kala tegeysey waa lagu dhex jirey oo waxaa socotey arrin odhanaysa ha ku duntee faraha kala baxa.

Curyaamin baa dhinac kasta kaga timid lagu salaynayo arrimo aan macquul ahayn.

Dhibaatooyin Dhaqaala Xumo oo loogu tala galay ayaa soo wajahay.
Markaan Dhibaatada ka warbixino dhego aan u furnayn xalinta arrinta jaamacadda ayaan ku xiiqnaa . (oo hawlaha na dhibaya wax loo arka kuwo noo gaar ah).( Waa Eelka kii Dhigay………..)

Bulshada haddan la hadalno raadkayagaMasaxaad baa daba joogta.
Dhinaca Sare (waa Dawlada) haddaan balan qaad la soo galo waa laga daba tagaa oo jawaab aan tii hore ahayn baa naga soo baxda.
Nasiib darro muddo dheer maanu fahmin in jaamacda la curyaaminayo ,laakiin waxaan u dhabar adaygnay in jaamacadu socoto deyn kasta ha ku jirtee ilayn Waa (hal ninkii lahaa dabada haya …………).
Wadatashi badan oo ay sameeyeen Guddiga iyo Guddoomiyaha jamacada iyo waxgarad reer Sanaag ee Hargaysa Deganwaxaan go’aaminey in Jamacaddi Mudada fasaxa ah dib lo qiimeeyo,Wixii khaldana la saxo korna loo qaado tayada iyo Sumcada Jaamacda sanaag.

Shirar Dhawr ah oo Guddigu si gaara u yeelatay waxaan ku gaadhney Go’aamadan:-
In Maamulka La Bedelo.
In Barayaasha la kala diro marka hore ka dibna wixii laga maarmi waayo lagu soo celiyo sifo waafqsan Xeerka Shaqaalaynta..
In Barayaal kale la soo kordhiyo(PHD & Master) si loo tayeeyo jamacadda.
In Nidaamka jaamacdu ku socoto dib loo eego.
In Guddiga(Bod) la yareeyo.
In Kulan Balaadhan la qabto oo bulshada xogta lala wadaago isla markaana kor loogu qaadayo Sucadda jamacadda Sanaag.
Waxyaalaha aan Fuliney:-
Maamul Cusub oo dhamaystiran ayaan magacownay oo ka kooban:-
Guddoomiyaha K/Xigeenka Guddoomiyaha,.Adim/Finace,

Xoghaynta iyo Registeral.
Waxaan kala diray Barayaashi, iyo Maamulkii hore iyada oo aan ka codsanay inay saamaxaan wixii ay xaquuq lahaayeen,taas oo dhamayd (21 kun oo doolar) oo ah Mushaharkii (4Bilood) shaqaalle tiradoodu dhan tahay 35 Qof, iyada oo deyntii kale ee jamacaddu gashay Sanadaha( 2011 -2014) lagu leeyahay.
Waxaan xikii u kala wareejiney k/s Guddoomiyaha Jamacadda iyo Guddoomiyaha Cusub.
Waxaan tira koob dhaba ku samaynay hantidii jamaacdda.
Waxaan fasaxnay Guri Suuqa ka kiraysnaa oo Qalab jamacadu leedahay yaaley qalabkiina aan ka wareejiney.
Waxaa noo qorshaysnaa Isbedel muuqda in la sameeyo si kalsoonida jaamacadda kor loogu qaado.
Haddaba waxaan bulshada la socdsiinaynaa in jamacadda Sanaag aan (Zero)Laga bilaabayn ee nalaka fara maroojiyey Jamacad Arrimeheedu u dhan yihiin kuwaas oo kal ah sida:-
Dhisme jaamacdu leedahay oo ka kooban lix fasal,labareeri, Xafiis iyo Hoolka shirarka.
Dhul balaadhan oo jamacadu leedahy oo uu ku deeqay Axmed Maxamed ismaciil(nadalo).
Shan faculty oo jamacadu ka kooban tahay.
Boqol iyo Afartan(140) Arday oo dhigta qaybaha kala duwan ee Jamacadda.
$100,000 (Boqol Kun oo doolar) oo ku jirta Miisaaniyada WW.S/L oo laga qoondeeyey sanduuqa horumarinta S/L (SDF) ee ay ku deeqeen Denishka iyo Ingiriiska.
Jaamacad Dakhligeedu dhan yahay bishii ($4500 oo Doolar.
Xeerkii jamacada ,Midka waxbarashada lagu maamulayo iyo Xeerka anshaxa ee ardayga.
Xeerka (Bod)ka.
Kuraas,MiisasComputers,PhotoCopy(heavy Duty ah)Printers,Kumanan Buug,Boodhadh iyo faylal isugu jira kuwo boodhku leeyahay iyo Kuwa jamacadda ah(Deocuments)
Waxaa Accounta Guddiga Jamacadda (110) ku jirey Soddon Milyan( 30 Million oo sl.Sh.)
Qalab Dhisme oo ka kooban Qori iyo mar-mar oo ka hadhay dhismayaalkii la fuliyey
Ugu Dambaynti afar jeer oo jamacada Sanaag Khilaaf galay xiliyo kala duwan dhamaantood waxay salka ku hayeen Mushaariic Dhismayaal oo u soo kordhay Jamacadda kan maantana kama foga dhacdooyinkaas hore.
(Ninka isha daba Aadanaha arka ,midka uurka dabana Ilaah baa arka)



Wabilaahi Atowfiiq. 



Contact@afkashacabka.com