Ciidamada Dowladda oo xiray xarumaha CAMEL FOREX oo ah xarumo ganacsi oo si Online ah lacagaha loogu kala sarifto

0
Thursday October 17, 2019 - 07:45:45 in by salman abdi
  • Visits: 585
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Dowladda oo xiray xarumaha CAMEL FOREX oo ah xarumo ganacsi oo si Online ah lacagaha loogu kala sarifto

    Ciidamada Dowladda oo xiray xarumaha CAMEL FOREX oo ah xarumo ganacsi oo si Online ah lacagaha loogu kala sarifto

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Dowladda oo xiray xarumaha CAMEL FOREX oo ah xarumo ganacsi oo si Online ah lacagaha loogu kala sarifto

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maanta gabi ahaanba albaabada u laabay xarumaha shirkadda CAMEL FOREX oo ah xaruumo ganacsi oo qaab Online ah looga kala Sarifto lacagaha qalaad.

 

 

Ciidamada ayaa xiray xarumihii ay shirkaddan ku laheydIsgoyska Zoobe, Suuqa Bacaad iyo Wadada Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho.

 

Lama oga ilaa iyo hadda sababta hasse ahaatee howlwadeenaCAMEL FOREX ayaa warbaahinta u sheegay in iyaga oo si caadi ah ugu gudajira howl-maalmeedkooadin lagu amray in albaabada isugu dhuftaan xaruumahooda ganacsi.

FOREX Traders ayaa ahSuuqa ugu weyn ee dunida ee lacagaha lagu kala badasho waxaa uu ku dhex shaqeeyaa Internet-ka waa Suuq furan oo sarif ah,dhalanyaro badan ayaa ku soo badanaya isticmaalka adeegan oo macaash badan ka sameeyay.

Xarumaha noocan ah ayaa hadda u muuqda kuwo sii baahaya guud ahaanba gobollada dalka, iyadoo ay jiraan dad Soomaaliyeed oo lacago dhiganaya, kaddibna bishii la siinayo faa'iido leysla ogyahay oo lagu heshiiyay, waxaana jira dad badan Soomaaliyeed oo dhaqaale ka helay ganacsiga noocan ah.