Xagay Ku Danbaysay Lacagtii Loogu Talo Galay Dibu Dhiska Dugsiga Farsamada Gacanta Magaalada Burco

0
Thursday October 17, 2019 - 07:49:03 in by salman abdi
  • Visits: 609
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xagay Ku Danbaysay Lacagtii Loogu Talo Galay Dibu Dhiska Dugsiga Farsamada Gacanta Magaalada Burco

    Xagay Ku Danbaysay Lacagtii Loogu Talo Galay Dibu Dhiska Dugsiga Farsamada Gacanta Magaalada Burco

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xagay Ku Danbaysay Lacagtii Loogu Talo Galay Dibu Dhiska Dugsiga Farsamada Gacanta Magaalada Burco

Muhiimad Weyn Ayuu U Lahaa Guud Ahaan Bulshada Somaliland,Dad badn Oo Haldoorka Bulshada Ah Ayaa Wax Ka Bartay Sida Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Sheikh Mustafe Iyo Dadkale Oo Haldoora,Ku Dhowaad 30 Sano Oo Uu Bur-bursanaa Waxaa Soo Bidhaantay Ififaalo Muujinaya In Dib Loo Dayactiro Dugsiga Farsamada Gacanta Burco Oo Ay Dhistay Dawlada Jarmalku.

 

Haayada GIZ Oo Laga Leeyahay Dalka Jarmalka Ayaa Shaacisay Inay Dayactir Ku Samaynayso Dugsiga Farsamada Gacanta Waxaanay Qoondaysay Lacag Balse Waxaa Muuqata In Lamajara Habaabiyey Deeqdii Dawlada Jarmalku Bixisay

Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Waxbarashada Somaliland Axmed Abokor Oo Warbaahinta Kula Hadlay Magaalada Burco Ayaa Daboolka Ka Qaaday Hadalo Tuhun Abuuray Waxaana Hadaladii Agaasimaha Kamid Ahaa"Ma Jirto Lacag Burco Leedahay Oo Hargeisa Loo Wareejiyey,Qofkii Cadayn Haya Dadka Haw Soo Bandhigo,Haayada Mashruuca Inagu Taageertay Ma Jirto Meel Ay Ku Sheegtay Lacag Ay Burco Leedahay"

 

Siduu Ku Yimi Mashruucan Muranka Dhaliyey?

Mid Kamida Ganacsatada Kasoo Jeeda Gobolka Togdheer Oo Mudo Dheer Ku Noola Dalka Jarmalka, Ayaa Dawlada Jarmalka U Bandhigay Dayaca Dugsigan Oo Hore Dawlada Jarmalku Gacanta Ugu Hayn Jirtay, looguna Magac Daray Dugsigaasi Dawlada Jarmalka,

 

Sidoo Kale Waxaa Wakhtigaasi Jarmalka Buux Dhaafiyey Tahriibayaal Soomali Ah Kuwaas Oo Magan Gelyo KaHelay Dalkaas, Waxaanay Dadkaasi U BadnaDhalinyaro Reer Burco Isla Markaana Aan Lahayn Wax Xirfada

 

Hadaba Haayada GIZ Ayaa Si Dhakhsaha Uga Jawaabtay Dalabkaasi. Waxaanay Balanqaaday Inay Dugsigaasi Ku Bixinayso Lacag Qiyaas Ahaan Gaadhaysa 2 Milyan,Fikirka Muwaadinkaas Ayuu Mashruucani Ku Yimi,

Maxaa Keenay In Mashruucani La Majaro Habaabiyo?

Ma Jirin Qoraal Kasoo Baxay Haayada GIZ Oo Si Cad U Sheegaya In Lacagtan Lagu Dhisaayo Dugsiga Farsamada Gacanta Burco Balse Waxay Sheegtay Inay Mashruucani Ku Taageerayso Somaliland,

Intaas Kadib Masuuliyiinta Ugu Saraysa Haayadaasi Waxay Kulan La Qaateen Wasaarada Waxbarashada Somaliland.Kuwaas Oo Ay Wada Hadlen Cadadka Lacagta Ay Ku Bixinayaan Mashruucan Iyo Siday Uga Wada Shaqayn Lahaayeen,

 

Intaasi Kadib Waxaa Mashruucan Sidii Loogu Leexin Lahaa Magaalada Hargeisa. Dadaal Xoogan Ka Galay Masuuliyiin Xilal Sare Ka Hayey Xukuumadii Axmed Siilaanyo Kuwaas Oo Ugu Horeeyaan EX Wasiir Cabdi Casiis Samaale Ex Agaasime Maxamed Ilkacase Iyo Masuuliyiin KaleKuwaas Oo Haayada GIZ Ku Qanciyey In Mashruucani Laga Dhiso Magaalada Hargeisa,Iaygoo Ku Andacoonaya Inaanay BURCO Gaadhayn Dhalinyarada Ka Faa,idaysanaysa Oo Ay Aad Uga Fogtahay Caasimada Iyo Gobolada Bari,Ugu Danbayna Waxay Haayadu Aqbashay Go,aankaasi

 

Maxaa La Gudboon Xukuumada Somaliland?

Ma Muuqato Ififaale Muujinaya In Haayadaasi Dayactir Ku Samaynayso Dugsiga Farsamada Gacanta Magaalada Burco,

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi Waxaa Ka Go,an In Dugsigaasi Dib Loo Hawl Geliyo,

1,Xukuumadu Iyada Oo U Cadaalad Samaynaysa Bulshada Somaliland Hasoo Bandhigto Sababta Lacagtaasi Loogu Weeciyey Magaalada Hargeisa

2,Waa Inay Dawladu Sida Ugu Dhakhsaha Badan Ugu Dhawaaqda Inay Dawlad Ahaan Dugsigaasi Dayactir Ku Samaynayso Una Balanqaada Shacabka Gobolka Togdheer Wax U Rumaynaaya Riyadooda