
Guddoomiyihii hore ee degmada Maxaas oo ka soo muuqday Maxkamadda Ciidamada
Guddoomiyihii hore ee degmada Maxaas C/raxmaan Sheekh Cilmi Cawaale iyo nin kale oo lagu magacaabo Nuur Ibraahim Mahad-Alle ayaa maanta ka soo hor-muuqday Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.
Guddoomiye kuxigeenkii hore ee Amniga degmada Maxaas ayaa 19-kii bishii April lagu dilay qarax, waxaana la geeriyooday Sarkaal boolis ah oo la saarnaa gaari xilliga qarax lala beegsanayay, waxaana mas’uuliyadda qaraxaas sheegatay Al-Shabaab.
Dilka Guddoomiye kuxigeenkii hore Amniga degmada Maxaas ayaa dhaliyay tuhun kala duwan, waxaana taas ay keentay in baaritaano hey’adaha amniga sameeyeen in loo qabto Guddoomiyaha degmada Maxaas iyo xubin kale oo lagu eedeeyay inay ku lug leeyihiin.
Dhageysiga dacwada ay qaadeyso Maxkamadda ayaa socon doonta, waxaana maanta Maxkamadda la horkeenay caddeymo kala duwan iyo warbixino la xiriira qaabka uu fal dambiyeedkaas u dhacay.
Guddoomiyihii hore ee degmada Maxaas oo ka soo muuqday Maxkamadda Ciidamada
Guddoomiyihii hore ee degmada Maxaas oo ka soo muuqday Maxkamadda Ciidamada