SONYO IYO KU MAXAAFSIGA MAGACA DHALINYARADA SOMALILAND QAYBTII 2AAD, BY: MOHAMED HAMUD ALI

0
Wednesday March 05, 2014 - 15:52:59 in by Super Admin
  • Visits: 1213
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SONYO IYO KU MAXAAFSIGA MAGACA DHALINYARADA SOMALILAND QAYBTII 2AAD, BY: MOHAMED HAMUD ALI

    SONYO waxay lumisay himilooyinka dhalinyarada oo ay ku bedeshay faa'iido doon, maxaa yeelay dhamaan howlaha ay fulisaa kuma qotomaan rabitanka dhalinyarada ee waxay ku qotomaan rabitaanka shakhsiyaad gaar ah oo sheegta inay iyagu leeyihiin SONY

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

SONYO waxay lumisay himilooyinka dhalinyarada oo ay ku bedeshay faa'iido doon, maxaa yeelay dhamaan howlaha ay fulisaa kuma qotomaan rabitanka dhalinyarada ee waxay ku qotomaan rabitaanka shakhsiyaad gaar ah oo sheegta inay iyagu leeyihiin SONYO

SONYO IYO KU MAXAAFSIGA MAGACA DHALINYARADA SOMALILAND QAYBTII 2AAD, BY: MOHAMED HAMUD ALI


SONYO waxay lumisay himilooyinka dhalinyarada oo ay ku bedeshay faa’iido  doon, maxaa yeelay dhamaan howlaha ay fulisaa kuma qotomaan rabitanka dhalinyarada ee waxay ku qotomaan rabitaanka shakhsiyaad gaar ah oo sheegta inay iyagu leeyihiin SONYO, taas oo noqonaysa marka wax la raadinayo in lagu raadiyo magaca Dhalinyarada Somaliland, marka waxaas la helana loo bedelo ama lagu magacaabo shakhsiyaad gaara oo aan tiro badnayn.

Sidaas darteen SONYO naguma metesho ficilada Dhanka u janjeedha ee ay kula dhex jirto dhalinyarada, waayo maanta SONYO awood kuma laha dhalinarada, dhalinyaraduna kalsooni buuxda kuma qabto sida iyo habka ay wax u wadaan SONYO.

Dhalinyaradu waa cududa dalku leeyahay, sidaas darteed dhalinyaradu waxay u baahan tahay hogaan si fiican u haga oo aan ahayn hogaan caadaysta ku maxaafsiga dhalinyarada, taasoo keentay in maanto SONYO aanay sidii loogu hanwaynaa aanay ahayn oo ay hoos martay mansabkii Dallad Dhalinyaro.

 

Waxaan ku boorinaya dhamaan dhalinyarada Somaliland in ay fikirkooda ka dhiibtaan sida ay u arkaan SONYO iyo waxa laga yeelayo, waayo waxa loo baahan yahay in la helo kalsoonida dhalinyarada.

Waxaan kula talinayaa SONYO inay mawqifkeeda ku wajahan dhalinyarada ay metesho ay cadayso oo uu noqdo mid lagu qanco ama lagu qanci waayo, oo ay la timaado siyaasad cad oo ku wajahan dhalinyada, oo la yimaadaan nidaam wax ku ool ah oo lagu wada qanco, oo wax laga bedelo Structure-ka ama qaab dhismeedka Dallada, waayo waxa ka muuqda dal dalool badan oo aan lagu qanci Karin.

Hadii SONYO sidaa wax ka bedeli waydo, waxaan ku talin lahaa in dhalinyaradu ay arinkaa go’aan ka gaadhaan oo ay sameeyaan wax lagaga maarmi karo SONYO, maxaa yeelay isku xidhka dhalinyaradu waa muhiim, dawladana waxaan kula talin lahaa in hoos loo eego SONYO iyo sida ay wax u wadaan, oo arinkaa si mug leh loo baadho, oo ugu yaraan lala yimaado la xisaabtan muuqda.

SONYO lama hayo ama ma jiraan cid la xisaabtantaa oo wax ka waydiisa arimaha dhalinyarada ee ay wadaan, taas oo waji gabax ku ah mansabka ay sheeganayaan ee ah Dhalinyarada Somaliland, sidaas darteed hadaan la xisaabtan jirin meeshaa waxa cad in cid gaar ahi leedahay oo aanay ahayn wax lawada leeyahay, waayo waxa la wada leeyahay wuxuu maraa qaab xisaabeenyo kala duwan, oo si muuqda loo fahmi karo.



Waad Mahdsantihin


Allaa Mahad Leh



By: Mohamed Hamud Ali

Contact: 063-4125186

Hamudson@Gmail.Com