Jubbaland oo ka hadashay Nabadoon xalay lagu dilay magaalada Kismaayo

0
Monday October 21, 2019 - 10:03:03 in by salman abdi
  • Visits: 307
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jubbaland oo ka hadashay Nabadoon xalay lagu dilay magaalada Kismaayo

    Jubbaland oo ka hadashay Nabadoon xalay lagu dilay magaalada Kismaayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jubbaland oo ka hadashay Nabadoon xalay lagu dilay magaalada Kismaayo

Maamul gobolleedka Jubbaland ayaa sheegay in ay wadaan baaritaanno ku aadan kooxihii ka danbeeyay dil xalay magaalada Kismaayo loogu geystay Nabadoon lagu magacaabi jiray Xaaji Saciid Ciise Cabdi

 

 

Afhayeenka Laamaha Amniga Jubbaland Cabdinuur Ibraahim Xusseen oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in Nabadoonka la dilay xili uu xalay ka soo masjid uu ku soo tukaday Salaadii cisha, isaga oo ku tilmaamay Nabadoonka in uu ahaa shaqsi samafale ahaa, kana shaqeeyn jiray arrimaha bulshada.

 

Ilaa iyo hadda ma jirto cid loo soo qabtay dilka Nabadoon, hasse ahaateen afhayeenka laamaha Amniga Jubbaland ayaa sheegay in ay qaadi doonaan tallaabo deg deg ah oo ka dhan ah kooxihii dilkan ka danbeeyay.

Kismaayo ayaa inta badan waxaa ka dhaca dilalka lagula kaco Nabaddoonnada iyo Waxgaradka ku dhaqan magaalada kuwaa oo qaarkood la sheego in ay salka ku hayaan dilalkooda arrimo siyaasadeed.

Dhinaca kale,isla xalay rag hubeysan aya degmada Afgooye toogasho ku dilay nabadoon lagu magacaabi jiray Ibraahim Maxamed Ibraahim.