Guddomiye Cirro oo kaftan uu Muse Bixi hoos ugu dhigay Mucaradnimadiisa kaga jawabay inay uso heshiyeen faysal iyo muse bixi

0
Monday October 20, 2014 - 08:52:25 in by salman abdi
  • Visits: 967
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddomiye Cirro oo kaftan uu Muse Bixi hoos ugu dhigay Mucaradnimadiisa kaga jawabay inay uso heshiyeen faysal iyo muse bixi

    "waxaad moodaa inaanay saddexdayada gudoomiye wada socon oo malaha gaar bay u wada socdeen Ninka Muuse la yidhaa iyo Faysal" ayu yidhi Cirro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"waxaad moodaa inaanay saddexdayada gudoomiye wada socon oo malaha gaar bay u wada socdeen Ninka Muuse la yidhaa iyo Faysal" ayu yidhi Cirro

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani iyo Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi(Cirro), ayaa faahfaahin ka bixiyay Safar Saddexda Gudoomiye Xisbi ee Somaliland ugu kicitimeen Dalka Kenya, waxa uu sheegay in Wakiilada wadamada Somaliland doorashada ka taageera ay kula kulmayaan Nairobi.

 

"Arin qaran baanu u baxaynaa,arintaas qaran waxa weeye, inaanu Qaadhaan bixiyeyaasha la kulano oo kala hadalo barnaamijka Dimuquraadiyadaynta Somaliland iyo doorashooyinka iyo waxyaabihii kale ee Somaliland khuseeya.waa safar gaaban oo 4 cisho qaadanaya,, waxaanuna u baxaynaa danaha Somaliland” ayuu yidhi Mr Cirro.


 

Dhanka kalena Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo iska duwaya Eedaymo Faysal Cali Waraabe iyo Muuse Biixi Jeediyeen oo ku saabsan dib u dhigida Doorashada in Waddani ku lug leeyahay waxa uu yidhi "horta hawsha aanu u soconay wataas aan sheegay laakiin, waxaad moodaa inaanay saddexdayada gudoomiye wada socon oo malaha gaar bay u wada socdeen Ninka Muuse la yidhaa iyo Faysal.

Laba Arimood ayaa la soo qaaday oo mid waa Komishanka oo loo soo gudbiyay Baarlamaanka laakiin Dhukumentigoodii(CV-ga iyo Waraaqaha dambi la’aanta)wali waxay ku maqan yihiin Madaxtooyada.daahidu xagga baarlamaanka kamay iman ee waxay ka timid xagga xukumadda.

Xeerka waxa jira Hanaan baarlamaanku u wada shaqeeyo, Baarlamaankuna wax wuu isku celcelin karaan, waxayna ila tahay dariiqa labada gole kuwada shaqeeyaan buu Xeerku ku dhamaanayaa. Guurtidu xeerka way soo celisay sabab kasta ha ahaatee ama Xukumaddu ha u sheegto ama iyaguba iskood ha u soo celiyaane, anaguna waanu ku celinay anagoo Dastuurka raacayna waxaanan ku kalsoonahay in Xeerku ku dhamaanayo hanaanka wada shaqayneed ee labada Gole” ayuu yidhi Mr Cabdiraxmaan Cirro.


Contact@afkashacabka.com