Steve Caulker oo Gool uu iska Dhaliyey u Sahashay Kooxda Liverpool inay ku hanato 3 Dhibcood oo Rafaad Badani ka Gaadhay

0
Monday October 20, 2014 - 10:45:49 in by salman abdi
  • Visits: 1036
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Steve Caulker oo Gool uu iska Dhaliyey u Sahashay Kooxda Liverpool inay ku hanato 3 Dhibcood oo Rafaad Badani ka Gaadhay

    Liverpool ayaa seddex dhibcood ay u dagaalantay ku soo qaadatay garoonka Loftus Road iyagoo 3-2 kaga badiyay QPR xilli gool soo daahay oo uu iska dhaliyay Steve Caulker ay guushaas u sahashay koxoda Reds.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Liverpool ayaa seddex dhibcood ay u dagaalantay ku soo qaadatay garoonka Loftus Road iyagoo 3-2 kaga badiyay QPR xilli gool soo daahay oo uu iska dhaliyay Steve Caulker ay guushaas u sahashay koxoda Reds.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay si dar dar leh iyadoo QPR ay halis badan ku abuuraysay kooxda Liverpool bilowgii ciyaarta.

 

25 daqiiqo gool haye Mccarthy ayaa shuud halis ahaa ka tufay Mario Balotelli, 3 daqiiqo kadibFer ayaa kubad u furneed goolka ka qasaariyay kooxdiisa QPR kadib markii uu birta kore ku garaacay shuud xoogan.

 

44 daqiiqo Gerrard ayaa u soo dhawaaday inuu hogaanka u dhiibo kooxdiisa lakiin birta ayuu hareer mariyay, ciyaarta ayaana lagu kala nastay 0-0 qaybteedii hore.

 

Qaybtii danbe Tababre Brendan Rodgers ayaa badal ku keenay Coutinho iyo Can waxayna wax wayn kabadaleen qaab ciyaareed kii Liverpool ee qaybtii hore.

 

61 daqiiqo Mario Balotelli ayaa fursad halis aheed ka qasaariyay kooxdiisa Liverpool kadib markii uu kubada kormariyay goolka.

 

 

 

68 daqiiqo Dunne ayaa shabaqiisa kubada dhex dhigay isagoo isku dayayay inuu kubada ka xiro Mario Balotelli, ciyaarta ayaa noqotay 0-1.

 

QPR ayaa isku dayday inay soo barbarayso ciyaarta waxayna u suuro gashay daqiiqadii 86 kadib markii Vargas uu si qurux badan u dabamariyay kubada goolhaye Mignolet.

 

Dhamaadkii ciyaarta Coutinho ayaa hogaanka uhogaanka u dhiibay Liverpool wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1-2, balse Vargas ayaa soo barbareeyay isla markiiba wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2-2.

 

Waqtigii dhimashada ciyaarta ayayna Liverpool neef weyn ka soo fuqday markii Steve Caulker uu gool iska dhaliyay taasoo ka dhigtay in Liverpool ay ku badiso 3-2 ka dib ciyaar goolal waali ah xilli danbe la iska dhaliyay.


Afkashacabka.com / Cayaaraha

Contact@afkashacabka.com