Jamaal Cali Xuseen Oo Ku Baaqey In Guurtidu Ansixiso Xeerka Diwaangelinta iyo Guddomiyaha Guurtida oo ka Hadlay

0
Monday October 20, 2014 - 12:35:21 in by salman abdi
  • Visits: 837
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jamaal Cali Xuseen Oo Ku Baaqey In Guurtidu Ansixiso Xeerka Diwaangelinta iyo Guddomiyaha Guurtida oo ka Hadlay

    Musharaxa Madaxwaynaha ee xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Jamaal Cali Xuseen ayaa Golaha Guurtida ugu baaqey inay ansixiyaan xeerka diwaangelinta Madaniga ah oo shir-guddoonka Golahaasi hakiyeen, iyaga oo sheegay inaanu ahayn xeerkii ay ansixiyeen Gol

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Musharaxa Madaxwaynaha ee xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Jamaal Cali Xuseen ayaa Golaha Guurtida ugu baaqey inay ansixiyaan xeerka diwaangelinta Madaniga ah oo shir-guddoonka Golahaasi hakiyeen, iyaga oo sheegay inaanu ahayn xeerkii ay ansixiyeen Golaha Wakiiladu.


Jamaal Cali Xuseen, ayaa sheegay inay ahayd in Golaha Guurtidu ansixiyaan xeerkaasi oo shir-guddoonka Guurtidu u hakiyeen shaki ay ka qaadeen faraq u dhexeeya xeerka shir-guddoonka Golaha wakiiladu gudbiyey iyo kii Mudanayaasha Golaha wakiiladu meel-mariyeen.

Jamaal oo shalay ka hadlay Hargeysa, ayaa isaga oo arrimahaasi ka hadlaya yidhi "Xeerka Diwaangelinta ee Baarlamaanku u gudbiyey (Guurtida), Haddii aanay wax dhibaato ahi ku jirin waxa lagu dar-daray, ma ahayn in dawladdu ka deba tagto oo ay Guurtida ku tidhaahdo ku fadhiista ee waxay ahayd in lagu ansixiyo, Maadaama oo diwaangelintu socoto xeerkii oo aan la ansixin, diwaangelintiina sharci maaha”.

 

Jamaal oo sii hadlaya ayaa sheegay "In mar walba sharciga la ilaaliyo weeyaan, dalkana inaynu khalkhal gelinno maaha, waayo dawladdu iyadaa masuul ka ah doorashada, baarlamaankana yaan eedda (la saarin), Guurtidana waxaan leeyahay xeerkaa innoo ansixiya, si aynu adduunka uga iibino wax wanaagsan”ayuu yidhi. Laakiin Guddoomiyaha xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe oo ka mid ah wefti saddexda xisbi qaran ah oo shalay u dhoofay dalka Kenya, ayaa iftiimiyey inay ka walaacsan yihiin asbaabta Golaha Guurtidu u cuskaday soo celinta xeerkan "Waxaanu jeclayn inaanu (Qaadhaan-bixiyayaasha la kulanno), iyada oo Komishanka arrintiisuna dhamaatay, sharcigiina la hirgliyey, labadiina midna waxba kama suurto-gelin” ayuu yidhi, Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, oo intaasi raaciyey "Waxa ka sii daran in xeerkii loo gudbiyey (Guurtida) la leeyahay waa xeer aan waafaqsaneyn (Kii Golaha Wakiiladu ansixiyeen)….”

Dhinaca kalena Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamud Aadan, aya markii ugu horaysay isna ka hadlay xeerkii diiwaangalinta ee dhawaan ay dib ugu celiyeen golaha wakiilada, waxaanus heegay in xeerkaasi uu qalad ugu muuqday.

Sida oo kale waxa uu guddoomiyahu sheegay inay wax wanaajinayaan ee aanay wax mudo kordhin ah u samaynayan xukuumadda haatan jooga "Xeerkii la soo gudbiyay iyo warqadii iyadana la soo gudbiyay ayaa qalad nooga muuqday, shir gudoonkii golaha ayaanu ku celinay oo waxaanu nidhi labadooda isa soo waafajiya halkaas ayaana aniga iigu danbaysay, waxa la leeyahay warqad danbe ayaa soo noqotay oo marka aan arko ayaa ka hadlayaa iyadana.”

Guddoomiyaha oo la waydiiyay inay diiwaangalinta u carqaladaynayaan si doorashada dib ay ugu dhigaan waxa uu yidhi"Anaga sharci qaran oo wax lagu hagaajinaayo dib u dhigidiisu nama qabato, anagu waxaanu is nidhaahnaa wax wanaajiya, walina waxaanu qabnaa inaan wax wanaajinayno, golahii kale ayaanu jawaab ka sugaynaa.” ayu yidhi




 

 

Contact@afkashacabka.com