Cali Khaliif Gallaydh oo Si Xor ah uga Dhoofay Madaarka Buuhoodle iyo Xukumadda Somaliland oo an ka hadlin.+SAWIRO

0
Monday October 20, 2014 - 14:49:21 in by salman abdi
  • Visits: 1491
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cali Khaliif Gallaydh oo Si Xor ah uga Dhoofay Madaarka Buuhoodle iyo Xukumadda Somaliland oo an ka hadlin.+SAWIRO

    Hogaamiyaha Kooxda la baxday Khaatumo Cali khaliif Galaydh ayaa saaka galinkii hore kaduulay garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Buuhoodle ee Ismaaciil mire International Airport Kadib Markii uu Habeenkii Xalay ahaa halkaasi Guure Ku Tagay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hogaamiyaha Kooxda la baxday Khaatumo Cali khaliif Galaydh ayaa saaka galinkii hore kaduulay garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Buuhoodle ee Ismaaciil mire International Airport Kadib Markii uu Habeenkii Xalay ahaa halkaasi Guure Ku Tagay.
Cali Khaliif Galaydh ayaa intii uusan kaduulin garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Buuhoodle ayaa wuxuu ka warbixiyay ujeedka Socdaal uu Ku Tagay Magaaladda Addis ababa ee Dalka Ethiopia isagoona sheegay inuu kaqabgalayo shir kafurmayo magaalada Adis-Ababa kaas oo looga hadlayo Federaalka Soomaaliya .

Hogaamiye Cali Khaliif ayaa sidoo kale waxa uu siwayn u bogaadiyay hawlgalada ay ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Amisom kawadaan gobolada Koonfurta somaliya Balse wuxuu sheegay in aanay maamulkiisu aanay Kalsooni Ka Haysan Dowladda dhexe ee somaliya .

Ugu Dambeyntii Cali Khaliif Galaydh waxa uu Tilmaamay in aanay Magaaladda Mugdisho Nabad Buuxda ahayn waxaanna uu sheegay in Hoteladda iyo Goobaha Kale ee Dadku ku Kulmaan ay Cabsi Xoogani Ka jirto .
Si Kastaba Ha ahaatee Xukumadda somaliland ayaan Wali ka Hadlin Arrinta Garoonka Diyaaradaha ee Buuhoodle uu maanta sidda Waafiga iyo cabsasha La,aanta ah ee uu Uga Dhoofay Cali Khaliif Galaydh oo Dhawaan Lagu Caleemo saaray Xuduuda Ethiopia.

Wasaaradaha Arrimaha Gudaha somaliland iyo Wasaaradda Duulista Hawada ayaa Laga Filayaa inay Bixiyaan Jawaabo Ku aadan Arrintani iyaddoo siddoo kale aan Xog Buuxda Laga Lahayn Diyaaradda Qaaday Hogaamiyaha Kooxda Khaatumo meesha Laga Leeyahay.

Saleban sahal Jamac
Hargeysa Somaliland