Madaxweyne Farmaajo oo ugu baaqay Wasiirrada iyo Xildhibaannada in loo gurmado dadka ay Fahataadda dhufatay

0
Tuesday October 29, 2019 - 12:36:51 in by salman abdi
  • Visits: 430
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo oo ugu baaqay Wasiirrada iyo Xildhibaannada in loo gurmado dadka ay Fahataadda dhufatay

    Madaxweyne Farmaajo oo ugu baaqay Wasiirrada iyo Xildhibaannada in loo gurmado dadka ay Fahataadda dhufatay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Farmaajo oo ugu baaqay Wasiirrada iyo Xildhibaannada in loo gurmado dadka ay Fahataadda dhufatay

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo hadlay Fatahaadda uu sameeyay Wabiga Shabeelle ee magaalada Beledweyne iyo qeybo kale oo ka mid ah dalka ayaa ugu baaqay Wasiirradda iyo Xildhibaannada Federaalka in ay ka qeybqaataan Gurmadka dadka dhibaateysan.

 

 

Gaar ahaan madaxweynaha ayaa sheegay in marka hore loo baahan yahay isku tashi ka hor inta aan beesha caalamka loo gudbin, isaga oo faray Wasiirradda, Xildhibaannada, Ganacsatada iyo Culima’da in ay dhaqaale ku bixiyaan sidii loo gargaari lahaa dad ka barakacay Daadadka ku soo rogmaday guriyihii ay ku noolaayeen.

 

Dhinaca kale wuxuu sheegay in uu beesha caalamka kala hadli doono sidii gurmad deg deg ah loola gaari dadka barakacay iyada oo diirada la saarayo hadba sida ay baahidu u kala horreyso.

Dhinaca kale, saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in magaalada Beledweyne soo gaaraan wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo qiimeyn ku sameyn doona xaalada magaalada iyo heerka Fatahaaddu gaarsiisan tahay.