Dagaal culus oo ciidamada dowladda iyo Al-shabaab ku dhaxmaray dulleedka Kismaayo

0
Thursday October 31, 2019 - 11:33:40 in by salman abdi
  • Visits: 364
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal culus oo ciidamada dowladda iyo Al-shabaab ku dhaxmaray dulleedka Kismaayo

    Dagaal culus oo ciidamada dowladda iyo Al-shabaab ku dhaxmaray dulleedka Kismaayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaal culus oo ciidamada dowladda iyo Al-shabaab ku dhaxmaray dulleedka Kismaayo

Wararka imanaya magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in dagaal culus uu dulleedka magaalada ku dhaxmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland oo hal dhinac ah iyo xoogagga Ururka Al-shabaab.

 

 

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland oo qeybo ka mid ah deegaannada duulleedka magaalada Kismaayo ka wada howlgallo weerar kala kulmeen dagaalyahanno ka tirsan Ururka Al-shabaab, iyadoo uu halkaa ka bilaawday dagaal culus oo leysku adeegsaday hub noocyadiisa kala duwan.

 

Gaar ahaan dagaalkan ayaa ka dhacay deegaanka Baarsanguuni oo dad ku sugan warbaahinta u sheegeen in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay.

Inta badan deegaannada Jubbooyinka waxaa ka dhacay iska horimaadyada noocan ah ee dhaxmaray ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbalanad oo is garabsanaya iyo dagaalyahannada Ururka Al-shabaab oo gacanta ku haya qeybo ka mid ah gobolka.