Sheekh Maxamed Shaakir'' Ma jiraan deegaanno nalaga-qabsaday waxaa jooga Dhuusa-Mareeb ciidamo isku dhaf ah
Madaxa Xukuumadda Galmudug , islamaraana ah madaxa ugu sarreeya Ahlu Sunna Waljameeca Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in ay jiraan deegaanno lagala wareegay.
Sheekh Sheekir ayaa sheegay in sheegay in Dhuusa-Mareeb iyo guud ahaan deegaannada kale ee gobolka Galguduud ku sugan yihiin ciidamadii isku dhaf ahaan lagu soo heshiiyay, isaga oo intaan ku daray in wax dhici kara aysan aheyn dadkii deegaannadaa xoreeyay haddana la niyeysto sida uu hadalka u dhigay in laga sii xoreeyay iyaga.
"Madaxda dowladda sare iyo annaguba, xiriir baa nooga socda in la dhammeeyo. Annagu haddii aan nahay shacabka mas'uuliyiintii matalaysay ee dowladda soo dhaweysay, ma rabno in hal xabbad ay dhacdo, ma rabno hal qof in uu dhinto, ma rabno hal qof inuu dhaawacmo".
Inkastoo Sheekh Shaakir uu warbaahinta u sheegay in uusan jirin deegaan lagala wareegay ayaa haddana waxaa xusid mudan in meelaha qaar is rasaaseyn ku dhaxmartay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ahlu Sunna Waljameeca gaar ahaan aaga degmada Matabaan ee gobolka Hiraan.