Dad lagu soo qab qabtay howlgal ciidamadu ka sameeyeen degmada Afgooye

0
Thursday November 07, 2019 - 11:07:43 in by salman abdi
  • Visits: 344
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dad lagu soo qab qabtay howlgal ciidamadu ka sameeyeen degmada Afgooye

    Dad lagu soo qab qabtay howlgal ciidamadu ka sameeyeen degmada Afgooye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dad lagu soo qab qabtay howlgal ciidamadu ka sameeyeen degmada Afgooye

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howlgal ay xalay ka sameeyeen qeybo ka mid ah degmada Afgooye waxaa ay ku soo qab qabteen dad u badnaa dhalinyaro kaddib dilkii guddoomiye ku-xigeenkii Arrimaha Bulshada gobolka Shabeellaha Hoose

 

 

Dadka lagu qab qabtay howlgalkan ayeey ciidamadu isugu geeyeen saldhiga Booliiska degmada oo la sheegay in lagu kala saarayay dadka la soo qab qabtay.

 

 

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Afgooye ayaa sheegay in dadka howlgalka lagu qabtay baaritaanno dheeraad ah lagu sameyn doono islamarkaana leyska sii deyn doono ciddii aan danbi laheyn..

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya degmada Afgooye ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan ,islamarkaana Goobaha Ganacsiga iyo isku socodka dadka iyo Gaadiidka ay si caadi ah u socdaan.