Waxa Badan Ka Ogow Kulanada Cawaa La Ciyaari Doono Ee champion League iyo Xogaha Ku Duugan

0
Tuesday October 21, 2014 - 09:52:11 in by Burco Office
  • Visits: 2901
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Waxa Badan Ka Ogow Kulanada Cawaa La Ciyaari Doono Ee champion League iyo Xogaha Ku Duugan

    Waxa Caawa Qorsheesan In La Ciyaari Doona Kulano Kamida ah champion League Halkan Ka akhriso Iyagoo Dhamaytiran

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa Caawa Qorsheesan In La Ciyaari Doona Kulano Kamida ah champion League Halkan Ka akhriso Iyagoo Dhamaytiran

Waxa Badan Ka Ogow Kulanada Cawaa La Ciyaari Doono Ee champion League iyo Xogaha Ku Duugan

Waxa Caawa Qorsheesan In La Ciyaari Doona Kulano Kamida ah champion League Halkan Ka akhriso Iyagoo Dhamaytiran

 

 

 

 

Hordhaca Group G .


 


Kulamada:Chelsea v Maribor iyo Schalke v Sporting CP

Waqtiga:9:45pm Saacada Geeska Afrika

Didier Drogba ama Loic Remy ayaa ku soo bilaaban doona afka hore ee Chelsea marka ay caawa Stamford Bridge ku wajahayaan kooxda heysata horyaalka Slovenia ee Maribor.

Drogba ayaa hal kulan ku soo bilowday tan iyo markii uu kooxda ku soo laabtayxillig ciyaareedkan halka Remy oo ka soo wareegay QPR uu ku soo bilowday labo kulan.

Laakiin midkood ayaa ciyaari doona caawa sababtoo ah Diego Costa oo dhaliyay sagaal gool ayaa ku maqnaan doona dhaawac muruqa ka soo gaadhay

"Marka uu ciyaaryahan dhaawacan yahay waxa ay fursad u tahay ciyaaryahan kale.” ayuu yiri tababaraha Chelsea Jose Mourinho.

Drogba oo 36 sanno jir ah ayaa ka soo kabsaday dhaawac canqowga ah waxaana uu kursiga keydka ka soo kacay kulankii ay 2-1 kaga badiyeen Crystal Palace sabtidi.

Chelsea ayaa heysata afar dhibcood labadii kulan ee ay ciyaartay wareega group-yada Champions League, halka kooxda Maribor ay leedahay labo dhibcood.

Kooxda Mourinho ee Blues ayaa u safreysa axada soo socota kooxda Manchester united horyaalka Premier League laakiin tababaraha Blues ayaa sheegay inuu kaliya ka fekerayo inuu guul ka gaaro Maribor.

"Niyada kuma hayo kulanka Manchester United. Waxaan maanka ku hayaa kaliya kulanka Maribor.” ayuu yiri Mourinho.

"Ma nasasiiyo ciyaartoy. Waa qasab inaan ku ciyaarno waxa aan heysano, iyo ciyaartoyda ugu fiican ee aan heysano.”

Kulanka kale ee group-ka kooxda Jarmalka ee Schalke ayaa soo dhaweyneysa kooxda ugu hooseysa Group G ee Sporting Lisbon.


 

Hordhac Group

 


Kulamada: Barcelona v Ajax iyo APOEL vs psg

Waqtiga: 9:45pm Saacada Geeska Afrika

Iyadoo sabtida la ciyaarayo kulankii ugu horeysay ee El Clasico ee xilli ciyaareedkan Barcelona ayaa isagu sii diyaarineysa kulanka ay caawa Ajax Amsderdam ku soo dhaweynayaan garoonkooda Camp Nou kulan ka tirsan Group F Champions Leagueah.

Barcelona ayaana u baahan inay soo kabsato ka dib guuldaradii 3-2 ee ka soo gaadhayPSG kulankoodii ugu danbeeyay ee wareega group-yada, tababare Luis Enrique ayaana ugu baaqay ciyaartoydiisa inaysan ka sii fekerin kulanka El Clasico oo shaqadooda ay qabsadaan caawa.

Barca oo uu ka maqan yahay daafaca Thomas Vermaelen ayaa kulankoodii ugu horeeyay ee wareega group-yada waxa ay 1-0 kaga badiyeen kooxda APOEL, laakiin guuldaradii ku soo gaartay caasimada Faransiiska ayaa ka dhigtay inay kaalinta labaad kaga jiraan group-ka iyagoo hal dhibic ka hooseeya kooxda PSG.

Kooxda Luis Enrique ayaana kulankaan ciyaareysa iyagoo hogaanka u haya horyaalka Spain islamarkaana dhawaan 3-0 kaga soo badiyay kooxda Ebar. Barbaro ay la galeen PSG iyo APOEL ayaa ka dhigtay Ajax inay boos hoose kaga jirto group-ka, waxaana kooxda Frank de Boer caado ka noqotay barbaraha.

Ajax ayaa barbaro gashay seddexdii kulan ee ugu danbeysay, iyadoo kulankii ugu danbeeyay ay barbaro 1-1 la galeen Twente sabtidii.

Labada kooxood ayaa isku arkay wareega group-yada xilli ciyaareedkii hore iyadoo Messi uu u dhaliyay Barcelona seddexleey kulankii ay gurigooda ku badiyeen ee 4-0.

Laakiin Ajax ayaa ku badisay kulankii gurigeeda 2-1.

De Boer ayaa rajeynaya inuu guul ka gaaro kooxdii uu afar sanno ciyaaryahan ahaan ugu soo qaatay intii u dhaxeysay 1999 iyo 2003.

Kulanka kale ee Group F kooxda hogaanka heysa ee PSG ayaa u safreysa kooxda tabarta yar ee APOEL. Iyadoo PSG ay rajeyneyso inay xajisato hogaanka group-ka madaama ay labo kulan oo isku xigta la ciyaarayaan kooxda reer Qubrus.


Hordhaca Group E 



Kulanka: Roma v Bayern Munich

Waqtiga: 9:45pm Saacada Geeska Afrika

Weeraryahanka Roma Mattia Destro ayaa ugu baaqay kooxdiisa inay cadeeyaan tayadooda marka ay wajahayaan caawa kooxda Bayern Munich.

Kooxda u tartameysa horyaalka Serie A ayaa ku soo laabatay Champions League markii ugu horeysay tan iyo 2011, waxaana ay xilli ciyaareedkan ku bilowdeen si fiican.

Waxa ay 5-1 kaga badiyeen kulankoodii furitaanka Group E ee ay la ciyaareen CSKA Moscow, waxaa u sii raacday barbaro 1-1 ah oo ay la galeen kooxda heysata horyaalka Premier League ee Manchester City bishii hore.

Waxaana taas ay u sii gogol xaartay inay wajahaan kooxda Bayern Munich Caawa.

Roma ayaa sidoo kale ka walwali doonta Manchester City kuwaasoo ku jira kaalinta 3aad laakiin labo kulan oo isku xigta la leh CSKA Moscow.

Dhanka kale Bayern Munich ayaa Group E hogaanka u heysa ka dib labo kulan oo ay soo badisay Champions League.

Wax gool ah lagama dhalinin tan iyo bishii August, waxaana ay 6-0 ku xaaqeen kooxda Werder Bremen horyaalka Bundesliga axadii, iyadoo kabtan Philipp Lahm uu dhaliyay labo gool oo dhif iyo naadir ah.

Robert Lewandowski ayaa ahaa bedel aan la isticmaalin kulankaas halka Franck Ribery uu ciyaaray kaliya 29kii daqiiqo ee ugu danbeysay, iyadoo Guardiola uu hal il ku hayay kulanka caawa.


Bastian Schweinsteiger ayaa ugu danbeyn ku soo laabtay tababarka ka dib dhaawac jilibka ah laakiin ma ciyaari doono kulankaan, halka Thiago Alcantara uu mar kale ku maqnaanayo dhaawac muddo dheer.

Labada kooxood ayaa ku kulmay Rome kulankoodii ugu danbeysay ee Champions League iyadoo Bayern ay 2-0 ku soo badisay ciyaar ka dhacday Munich 2010 ka hor inta aysan Roma garoonkeeda 3 gool ugu bedelin.

Kulanka CSKA Moskva v Manchester City

Waqtiga: 7pm Saacada Geeska Afrika

Frank Lampard ayaa seegi doona kulanka Champions League ee ay caawa Man City la ciyaareyso CSKA Moscow madaama uu dhaawac ka qabo bowdada.

Kulankaan ayaa lagu ciyaarayaa garoon maran madaama kooxda Russia lagu ciqaabay falal cunsurinimo joogta ah oo ay ku kaceen.

Lampard ayaa garoonka bareelo looga saaray intii ay socotay qeybtii hore ee kulankii ay 4-1 kaga badiyeen Tottenham.

Dhanka kale, daafaca Eliaquim Mangala ayaa rajeynaya inuu taam u noqdo kulankaan.

Kubadsameeye Samir Nasri ayaa isna dhaawac ku maqan ka dib qaliin looga sameeyay gumaarka, waana ciyaaryahanka kale ee ka maqan City.





 

 

Contact@afkashacabka.com