Madaxweyne Erdogan oo ku wajahan Mareykanka
Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Talaadada booqasho labo maalmood ah ka billaabi doona Waddanka Mareykanka kadib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa waddankaas Donald Trump, sida ay shaacisay wakaaladda wararka ee Anadolu.
Bayaanka ayaa intaas kusii daray in hoggaamiyeyaasha Turkiga iyo Mareykanka ay isla meel dhigi doonaan sidii ay isaga kaashan lahaayeen dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada.
Sidoo kale madaxweynaha Turkiga ayaa la kulmi doona jaaliyadda Turkiga iyo Muslimiinta ku dhaqan Mareykanka.
Booqashadan ayaa daba socota heshiiskii ay Mareykanka iyo Turkiga kala saxiixdeen 7-dii bishii October ee dhigayay in xoogagga kurdiyiinta ee YPG ay si nabad ah dib uga gurtaan waqooyiga bari ee Suuriya, gaar ahaan meesha uu Turkigu damacsan yahay inuu ka sameeyo aagga ka caaggan dagaallada,Turkiga ayaa urur argagixiso ah u aqoonsan kooxdaas oo mar xulafo la ahayd Mareykanka.
Madaxweyne Erdogan oo ku wajahan Mareykanka
Madaxweyne Erdogan oo ku wajahan Mareykanka