Guddoomiye iyo ku-xigeenkiisa oo lagu dilay deegaan hoostaga degmada Balcad

0
Wednesday November 13, 2019 - 11:51:59 in by salman abdi
  • Visits: 446
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye iyo ku-xigeenkiisa oo lagu dilay deegaan hoostaga degmada Balcad

    Guddoomiye iyo ku-xigeenkiisa oo lagu dilay deegaan hoostaga degmada Balcad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiye iyo ku-xigeenkiisa oo lagu dilay deegaan hoostaga degmada Balcad
Koox hubeysan ayaa xalay toogasho ku dishay guddoomiyihii deegaanka Cadeyga iyo ku-xigeenkiisa degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe

 

 

Cabdulle Xasan Xaaji oo ahaa guddoomiyihii deegaanka Cadeyga oo hoostaga degmada Balcad iyo ku xigeenkiisii Cilmi Qooje Xasan ayaa la sheegay in la dilay kaddib kaddib markii ay kaxeysteen koox hubeysan.

 

 

Dadka deegaanka qaarkood ayaa waxaa ay sheegeen in ilaa iyo hadda aan la ogeyn dadka ka dambeeyey dilka loo geystay Guddoomiyihii Tuulada Cadayga iyo kuxigeenkiisii,isla markaana ay aad uga naxeen.

Xoogagga Al-shabaab ayaa saameyn xoog leh ku leh marka la eego deegaannada hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe, mana jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay dilka labada mas'uul.

Horay qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa siyaabo kala duwan loogu dilay mas'uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan maamulka Hirshabeelle waxaana qaar ka mid ah mas'uuliyada dilalkaa sheegtay Ururka Al-shabaab.