Maxaad Ka Taqaanaa "Qiram" oo ah Magaca Ugu Hadal haynta Culus Haatan:-

0
Wednesday March 05, 2014 - 19:31:08 in by Super Admin
  • Visits: 1475
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaad Ka Taqaanaa "Qiram" oo ah Magaca Ugu Hadal haynta Culus Haatan:-

    markii aan arkay in aad moodid dalalka aduunka ugu wayne ee Maraykan iyo Rush ay hada galeen Siyaasad Barobogaando iyo mid Awoodeedba Maadaama uu Ruushku si rasmi ah ula Wareegan Gobolka Crimea ee Dalka Ukraine

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

markii aan arkay in aad moodid dalalka aduunka ugu wayne ee Maraykan iyo Rush ay hada galeen Siyaasad Barobogaando iyo mid Awoodeedba Maadaama uu Ruushku si rasmi ah ula Wareegan Gobolka Crimea ee Dalka Ukraine

 

Maxaad Ka Taqaanaa  "Qiram" oo ah  Magaca Ugu Hadal haynta Culus Haatan:-

Waan idin Salaamay Dahamaantiinba Akhristow Meelkasta aad joogtaanba. Inta aan maqaalkan bilaabin Kahor waxaan jeclaan lahaa in aan inyar idiinka  iftiimiyo Waxa igu kalifay in aan ka faaloodo arintan Kor Ku xusan taas oo ay sabab u tahay, markii aan arkay in aad moodid dalalka aduunka ugu wayne ee Maraykan iyo Rush ay hada galeen Siyaasad Barobogaando iyo mid Awoodeedba Maadaama uu Ruushku si rasmi ah ula Wareegan Gobolka Crimea ee Dalka Ukraine Hadaba Waxaan Jecleestay in aan la wadaago Umada Somaaliyeed Taariikhda iyo Ahmiyadda Ay leedahay Gobalka Qiram ee Dalka Ukraine:

 05/03/2014

Ma ogtay Akhristow in Mushkilada Siyaasadeed ee hada Kataagan Ruushka iyo Ukraine ee Gobolka "Crimea"  ee loogu dhawaaqo "Qiram" Muhiimadeeda Iyadoo Asal Ahaan Gobolkaasi uu Kasoo Jeedo Asal ahaan  Islaam-ka,  Maxaad Ka taqaan Qiram ?? Qiram waa Gobol Ka mid ah Jamhuuriyadda Ukraine, Macnaha Rasmigaa ee Qiram waxa la gu tilmaamaa "Qalcad" ama Goob,  Luqada "Tataar", Tatarkuna waa Qabiil ka mid ah Turki, Kuwaas oo Degenaanjiray Gobolka Qaroonaa, ee hada Noqday Qiram, Sidoo Kale Qiram waxa ay Hoos timid Xukunkiii Islaamiga ahaa ee Cusmaaniyiintii iyada oo uu Islaamku Soo gaadhay Gobolkaas Bilawgii" Qarnigiii 16 - aad" ee miilaadiga , isagoo islaamkuna aad iyo aad ugu faafay Gobolkaas. Iyadoo Loo sameeyaya Wilaayad Islaami ah oo Caasimadna Nooga Dhigay "Biskhshi Saraayaa" magaalada Ladhaho, Taas oo Islaamku Xukumayaayy ilaa ay ka yimaadeen Shuuciyiintii Ruushka, Kuwaas oo Halaagay Dadkii iyo Dalkiiba, Sidoo Kale Qiram Waa Magaalo Istaatiiji ah oo leh Khayraad Dabiici ah. oo ay ka mid yihiiin "Patrol, Gas, Macdanta iyo Dhuxushuba".  Iyo weliba Khyraad Daaqsimeed oo Beereed oo farabadan. Sidoo kale ma ogtahay Akhristoow in ay Moosko Bixinjirtay ama ay islaamka Siin jrtay "Jizyo" oo ah Cashuurta uu islaamku u jideeyay in uu ka qaado Gaaladda La nool.  taas oo socotay mudo qarniyo ah ilamaa iyo ay Daciiftay Khilaafadii Cusmaaniyiinta Aakhirkii Qarniiii 18 -aad ee Milaadiga. Markaa Kadib waxa ay Shuuciyadii Ruushku awood u yeelatay in ay qabsato Gobolkii "Qiram" ee islaamku ka talinjiray mudada Qarniyadda ah.  Se maxaad ka ogtahay Akhristoow Ruushku markii uu galay Gobolkaas Islaamkaa waxii uu ku sameeyay ee ahaa Dilka iyo Dhaca iyo Kufsiga, Iyadoo Taariikhdana Lagu sheego in ay Dileen Tiro Muslimiin ah oo gaadhaysa 350,000 Sanad Gudihiis. intaas tiro ka badana ay Ka carareeen . Taas oo la wareegatay Dhulkii Masaajidadii Lagu cibaadaysanjirayna Baabiisay Ilaa ay ka Fidneeyeen Umadii Islaamka ahayd ee ku dhaqneed Gobolkaas, Kadib Bolawgiii Qarnigii 20 -aad, ee miilaadiga  ayaa waxa ay isku dayeen Tiro yar oo Islaam ahi in ay ku soo laabtaay Gobolka Qiram siay did ugu soo celiyaan Islaamkii uguna dhawaaqaan jahmuuriyada u gooni ah, Lkn Shuuciyiintii Ruushku umay ogolaan in dib islaam ugu soo noqdo Qiram waxana ay Laayeen Culumadii islaamka ahaa ee Rabay in ay dib usoo nooleeyaan Awoodii Islaamka uu ku lahaa Gobolka Qiram ee Dalka Ukraine. Markii ay Taarikhdu ahayd 1928 ayaa hogamiyihii Soviet Union ka ee la Odhanjiray "Joseph Stalin" waxa uu Damcay in uu Ka dhiso Qiram "Kayaan Yahuudi "oo uu ku Faafiyo Shuyuuciyadii markaa Socotay. Kadib waxa ka horyimid Culumadii islaamka ahaa ee Ku Hadhay Qiram Kuwaas oo u badnaa imaamyadii Masaajidda, Nasiib Daro Culumadii Dhamaantood Waa la Dal Dalay ilaa Tiro Gadhaysa 3,500 oo kamid ah Imaamyadii Muslimiinta. Sidoo kale Waxa  ay Mudadii u dhaxaysay 1838 Ilaa 1914  iskugu soo Aruurtay  Tiradii Islaamka ee "Tattarka" ahaa Tiro  dhan 850,000  iyagoo Lagu qiyaasi jiray Muslimiinta "Tattar" Malaayiin iyo Malayiin. taasna waxa kayntay Markii Badhna la laayay Badhna La Caydhiyay Badhna La Fidneeyay oo Dintii Islaamka Laga leexiyay. Sidoo kale akhristow Ma ogtahy Markii lagu jiray dagaalkii Labaad ee Aduunka in Hogaamiyihii Sovietka ee "Staline" Ku eedeeyay Muslimiintii Qiram in ay Taageerayaan "Jarmalka" taasina ay keentay Markii Dagaal kii  Labaad ee aduunku Dhamaaday in La laayo hadhaagii Muslimiinta ahayd ee ku nooleed Gobolka Qiram, iyadoo Laga dhigay wax la dilo iyo wax la eryado oo naftooda la baxsada iyo wax kale oo La Fidneeyo. Ilaa islaamkii Ku dhaqnaa Mudadaa Qarniyadda ah uu noqday mid Laga Tir tiro "Qiram " Hada Dadka Ku nool Qiram ee Dalka Ukraine waxa Lagu Qiyaasaaa Tiro Dhan 2.5 Million Tiradda Islaamkaa ee ku noolna waxa lagu qiyaasaa 400 ilaa 500 oo Kun oo Muslimiin ah.

ALAA MAHADLEH

Waad Mahadsantihiin

Mahbuub Hussein Ismail

Email: engmahbuub@hotmail.com         Tell: 063-4331708/9309754              Burao Somaliland

.