DegDeg: Ilaaladii Guddomiye Cirro oo saaka laga Qaadayo, Masuliyin Cusub oo xabsiga la dhigay iyo xisbiga waddani oo mar kale ka qayliyey arrimahaas

0
Tuesday November 19, 2019 - 11:24:37 in by Ankara Turkey
  • Visits: 478
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DegDeg: Ilaaladii Guddomiye Cirro oo saaka laga Qaadayo, Masuliyin Cusub oo xabsiga la dhigay iyo xisbiga waddani oo mar kale ka qayliyey arrimahaas

    DegDeg: Ilaaladii Guddomiye Cirro oo saaka laga Qaadayo, Masuliyin Cusub oo xabsiga la dhigay iyo xisbiga waddani oo mar kale ka qayliyey arrimahaas

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

DegDeg: Ilaaladii Guddomiye Cirro oo saaka laga Qaadayo, Masuliyin Cusub oo xabsiga la dhigay iyo xisbiga waddani oo mar kale ka qayliyey arrimahaas

Warar soo baxay ayaa sheegaya in xukuumadu ay xabsiga ku hubsatay gudoomiyihii garabka haweenka ee xisbiga Waddani Xaawo Rooble.

Wararka ka imanaya magaalada Boorama oo soo gaadhay Hadhwanaagnews ayaa sheegaya in ciidamada boolisku ay goor dhawayd u daateen gudoomiye Xaawo oo ka mid ahayd masuuliyiinta xisbiga Waddani ee mudaharaadada ugu baaqday taageerayaasha xisbiga ee gobolka Awdal.

 

Dhinaca kale dawlada ayaa ku amartay ciidamada sida gaarka ah u ilaaliya gudoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro) inay iska soo xaadiriyaan xeryaha ay ku qoran yihiin.

Talaabada ay xukuumadu qaaday ayaa keentay inay kala jabaan ilaalada gaarka ah ee gudoomiye Cirro iyada oo wararku sheegeen in qaar ka mid ahi ay qaateen amarkii la faray isla markaana ay iska xaadiriyeen xeryahoodii halka qaar kalana ganafka ku dhufteen iyaga oo ku adkaystay inay ka sii mid ahaanayaan ilaalada hogaamiyaha Waddani.


Ilaa hadda ma jirto cid isu xilqaantay dhexdhexaadin marka laga reebo ganacsato iyo waxgarad la sheegay in ay bilaabeen dhaqdhaqaaq ay isaga dabqaadayaan labada dhinac.