Midawga Yurub Oo Walaac Xoogan Ka Muujiyey Siidaynta Qaar Kamid Ah Hogaamiyeyaasha Budhcad Badeedka Oo Dawlada Somaliya Sii Daysay.

0
Tuesday October 21, 2014 - 21:32:33 in by salman abdi
  • Visits: 959
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Midawga Yurub Oo Walaac Xoogan Ka Muujiyey Siidaynta Qaar Kamid Ah Hogaamiyeyaasha Budhcad Badeedka Oo Dawlada Somaliya Sii Daysay.

    Ururka midawaga Yurub ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay inay aad uga walaacsan yihiin warar sheegaaya in dhowaan lasii daayey hogaamiye budhcadeed ku xidhnaa magaalada Muqdisho ee dalkaasi Somaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka midawaga Yurub ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay inay aad uga walaacsan yihiin warar sheegaaya in dhowaan lasii daayey hogaamiye budhcadeed ku xidhnaa magaalada Muqdisho ee dalkaasi Somaliya.

 

Maxamed Cismaan Maxamed oo lagu naanayso Gafanje oo kamid ahaa madaxda sarsare ee kooxo Budhcad badeed ah oo ay 18 August ciidamada dawlada Somaliya kazoo qabteen xaafada laba dhagax ee degmada Wardhiigley oo kamid ah magaalada Muqdisho ayay sheegeen midawga Yurub inay ka cabsi qabaan in lasii daayey.

 

Qoraalkan uu soo saaray Midawga Yurub ayaa dawlada Somaliya loogu sheegay in loo baahan yahay in lasoo afjaro cafisyadda loo fidinaayo hogaamiyeyaasha kooxaha budhcad badeedka ah,sidoo kalena waxay usoo jeediyeen in la xoojiyo jadwalka iyo sharciga dacwad kusoo oogida kooxahaasi budhcad badeedka ah,gaar ahaana madaxda sarsare ee kooxahaasi.

 

Waxa kale waxay midawga Yurub qoraalkooda kaga digeen cabsi cusub oo ay sheegen inay ka qabaan Tahriibta iyo sidoo kalena dadka sida sharci darada ah u dhoofiya hubka iyo dhuxusha.


 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Contact@afkashacabka.com