Kulan maalinta berri ah lagu wado in uu Muqdisho ku dhaxmaro madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya

0
Tuesday November 19, 2019 - 15:19:20 in by salman abdi
  • Visits: 442
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulan maalinta berri ah lagu wado in uu Muqdisho ku dhaxmaro madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya

    Kulan maalinta berri ah lagu wado in uu Muqdisho ku dhaxmaro madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulan maalinta berri ah lagu wado in uu Muqdisho ku dhaxmaro madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya

Waxaa xalay magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay xubno ka kala socda Dowladda Federaalka iyo Madasha Xisbiyada Qaran kaa oo loogu gogol xaarayay kulan maalinta berri ah lagu wado in magaalada Muqdisho uu ku dhaxmaro madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya.

 

 
 
Xubnaha dhinaca Dowladda Federaalka kulanka ku matalayay waxaa hoggaaminayay taliyaha hay’adda NISA Fahad Yaasiin halka dhinaca Madasha Xisbiyada Qaran uu hoggaaminayay xoghayaha Xisbiga Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi.

 

Warar hoose oo ay warbaahintu heshay ayaa sheegaya in kulanka uu hor dhac u ahaa kulan weyn oo la filayo in maalinta Arbacada ah [Barri] ku dhaxmari doona Muqdisho madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed si loo soo afjaro khilaafka baahsan oo maalmihii ugu danbeeyay soo kala dhaxgalay labada dhinac.

Shirkan ayaa sidoo kale la sheegay in uu daba socdo Kulan Jimcihii dhexmaray Taliyaha Sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin iyo Madaxweynihii hore Sheekh Shariif kaasoo looga hadlay dejinta xiisada siyaasadeed ee labada dhinac iyo sidii looga wada hadli xalinta tabashada madaxdii hore ee ku aadan xanibaad kooban oo lagu sameeyey safari ay tagayeen magaalooyin ka tirsan dalka gudihiisa.

Madasha Xisbiyada Qaran gaar ahaan madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ayaa si is daba joog ah ugu eedeeynayay dowladda hadda jirta ay iska idha-tireyso sharuucda dalka iyo ku tagrifal awooddeed, waxaana uu khilaafku sii xoogeystay kaddib markii madashu sheegtay in leysku hortaagay dhawaan safar ay ku tagi lahaayeen magaalada Beledweyne.