Dad Tiro Badan Oo Ku Dhintay Roobab Sacadihii U Danbeyay Da,ayay+Tirada Dadka Ku Naf-waayay.

0
Sunday November 24, 2019 - 13:28:26 in by salman abdi
  • Visits: 516
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dad Tiro Badan Oo Ku Dhintay Roobab Sacadihii U Danbeyay Da,ayay+Tirada Dadka Ku Naf-waayay.

    Dad Tiro Badan Oo Ku Dhintay Roobab Sacadihii U Danbeyay Da,ayay+Tirada Dadka Ku Naf-waayay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dad Tiro Badan Oo Ku Dhintay Roobab Sacadihii U Danbeyay Da,ayay+Tirada Dadka Ku Naf-waayay.

Ugu yaraan 36 qof, oo ay ku jiraan toddobo carruur ah, ayaa ku dhintay dhul'go ka dhshay roobab lixaad leh oo ka da'ay Waqooyiga galbeed dalka Kenya, sida laga soo xigtay saraakiil maxali ah.

 

 

 

Dhul go’a oo saameeyay tuulooyinka Nyarkulian iyo Parua, ayaa waxaa lagu soo warramayaa in uu ka dhashay Roob mahiigaan ah oo halkaas ka da’ay.

 

"Waxaan xaqiijineynaa dhimashada ilaa 36 Ruux, halka dad kalana lagu la'yahay ayuu yiri Samuel Poghisio, oo ah xubin ka tirsan golaha deegaanka oo la hadlay Wakaallada wararka Reuters.

 

Roobabka ayaa la sheegay in ay jareen waddooyinka gala tuulooyinkaas, ugu yaraanna hal buundo ayaa lagu soo warramayaa in ay burburtay.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa bayaan uu soo saaray waxa uu ku sheegay inuu "tacsi tiiraanyo leh” u dirayo ehalada iyo saaxiibbada dhibanayaasha.