Dawladda Sweden Oo Ku Hanjabtay Inay Gacanta Ku Soo Dhigi Doonaan Markab Dagaal Oo Ruushku Leeyayay Oo Soo Galay Biyaha Dalkeeda.

0
Wednesday October 22, 2014 - 16:15:30 in by salman abdi
  • Visits: 686
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawladda Sweden Oo Ku Hanjabtay Inay Gacanta Ku Soo Dhigi Doonaan Markab Dagaal Oo Ruushku Leeyayay Oo Soo Galay Biyaha Dalkeeda.

    Hawsha baadhitaanka markabkan ayaa gashay maalintii 5aad iyada oo taliyaha ciidanka bada ee dalka Sweden

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hawsha baadhitaanka markabkan ayaa gashay maalintii 5aad iyada oo taliyaha ciidanka bada ee dalka Sweden

uu sheegay in hadii ay helaan markabkan biyaha hoosteeda ku dhex jira ee Ruushku leeyahay ay xoog u isticmaali doonaan.

Waxa uu sheegay in ujeedkoodu yahay in ay adeegsadaan awood kasta oo macquul ah hadii la helo markabkan Ruushku leeyahay ee biyaha hoosteeda ku jira.

Waxa uu sheegay in aaney macno weyn sameyneynin helitaanka iyo helitaan la’aanta nooca markabkan biyaha hoosteeda mara ee Ruushku leeyahay, laakiin muhiimadu ay tahay in ciidanka difaaca ee Sweden ay diyaar u yihiin in ay jawaab ka bixiyaan hadii ay dareemaan in biyadaha dalkooda lagu soo xadgudbay.

Wargeyska Dagens Nyheter ee dalka Sweden ayaa sheegay in maraakiibta dagaalka ee Sweden ay ku dhowaad 100 goor arkeen markabkan biyaha dhexdooda quusa ee Ruushku leeyahay , iyada oo weli ciidanka Sweden ee xeebuhu aaney ku guuleysan in ay soo qabtaan markabkan dagaalka iyo dadka saaran toona.

Taliyaha ciidanka bada ee dalka Sweden ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin in ay arkeen markabkan ,laakiin uu weli socdo baadhitaan lagu hayo iyada oo markabkani uu marba bedelayo halka uu biyaha kaga jiro.

sweden-underwater-threat-force.si

Waxa uu intaasi raaciyay in shaqo badan ay qabteen ciidanka dalka Sweden si ay uga hortagaan xadgudubka biyaha dalkooda uu ku soo sameeyay markabkan oo laga leeyahay dalka Ruushka oo ah nooca biyaha hoostooda ku jira.

SWEDEN-MILITARY-SUBMARINE-RUSSIA-ESPIONAGE

Raisul Wasaaraha Sweden Stefan Lofven ayaa wariyayaasha u sheegay maalinimadii Salaasada in Sweden ay dib u eegi doonto awoodeheeda dhinaca milatariga ah iyada oo ay sii kordheyso cabsida la qabo in Ruushku ku soo xadgudbo dalalka ku yaala gobolka Boltika. 



contact@afkashacabka.com