Gudomiyihii Hore Ee Barlamanka Putland Oo Wali Gaaf Wareegay Bariga Gobolka Sanaag Iyo Shacabka Magaalada Garoowe Ku Baaqayn Uu Garoowe Soo Galo.

0
Wednesday November 27, 2019 - 14:07:22 in by salman abdi
  • Visits: 330
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudomiyihii Hore Ee Barlamanka Putland Oo Wali Gaaf Wareegay Bariga Gobolka Sanaag Iyo Shacabka Magaalada Garoowe Ku Baaqayn Uu Garoowe Soo Galo.

    Gudomiyihii Hore Ee Barlamanka Putland Oo Wali Gaaf Wareegay Bariga Gobolka Sanaag Iyo Shacabka Magaalada Garoowe Ku Baaqayn Uu Garoowe Soo Galo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudomiyihii Hore Ee Barlamanka Putland Oo Wali Gaaf Wareegay Bariga Gobolka Sanaag Iyo Shacabka Magaalada Garoowe Ku Baaqayn Uu Garoowe Soo Galo.
Guddoomiyihii hore ee barlamaanka dowlad goboleedka Puntland, Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobodaareed), ayaa weli ku jira gadood ka dhan ah xilkii laga tuuray, isagoo kulamo wada tashi ah ka wada gobolka Sanaag oo uu ku suganyahay tan iyo markii xilka laga tuuray.


Xildhibaan Cabdixakiin Dhoobo ayaa lagu eedeeyay inuu halkaas ka wado abaabul ka dhan ah midnimada Puntland iyo sidii gobolada Sanaag iyo Sool u dhisan lahaayeen maaamul ka madax banaan dowlad goboleedka Puntland.

Guddoomiyihii hore waxaa uu weli aaminsan yahay inuu yahay guddoomiyaha sharciga ee barlamaanka, isagoo tilmaamay in si afduub ah oo dhiig uu ku daatay looga tuuray xilkiisa.

Xildhibaano iyo saraakiil ciidan oo katirsan Puntland ayaa dhawaan xildhibaan Dhoobo ugu tagay magaalada Xingalool waxayna la yeesheen kulan gaar ah oo aan weli warbaahintu macluumaad ka helin.



Dad u badan xildhibaano iyo siyaasiyiin ku sugan Garowe, ayaa guddoomiyihii hore ee barlamaanka Puntland kula taliyay in uu kasoo laabto gadoodka uu ku jiro islamarkaana uu furto dacwad ka dhan ah habkii loo maray mooshinkii lagu riday.

Weli madaxda sare ee Puntland kama hadlin xil ka qaadistiisa inkastoo madaxweynaha Puntland, Siciid Deni uu muujiyay inuu ka xun yahay khasaarihii ka dhashay shaqaaqadii ka dhacday xarunta barlamaanka.